Gabar aabahaaga mehersaday marna ma guursan kartid xataa hadduusan la aqalgalin, taas waa xaaraan kuma xirna inuu taabtay iyo in kale, Quraanka kariimka wuxuu u reebay si mudlaq ah oo aan shardi ku xirnayn wuxuu yiri Alle:
(Ha guursanina haweenka ay aabbeyaashiina guursadeen wixii tagay mooyee)
Sidoo kale waxaa la mid ah gabadha uu mehersaday wiilka iyadana xaaraan ayay ka noqonaysaa abbihiisa xataa hadduusan la aqalgalin Quraanka kariimka ayaana sheegay, Alle wuxuu yiri markuu ka hadlayay dumarka xaaraanta ah oo aan la guursan karin:
Middaas waa guurka, teeda kale hadalka aad sheegtay oo ah jacayl iyo hadal macaan mala wadaagi karaa? taas guud ahaan waa xaaraan, naag kaste hadalo oo akhlaaqda ka baxsan kuma oran kartid, raaxo ama kacsi ama sheeko la xiriirta galmada kuma soo qaadi kartid, maxaad u malaynaysaa gabar aabahaaga mehersaday taas wayba kasii xag jirtaa, marka ha u malynin shunkaansiga oo noocaas oo kale ah inuu xalaal yahay, shukaansiga laga hadlayo naagta jirkeeda iyo ninka jirkiisa iyo waxa sariirta lagu sameeyo iyo hadalada ah: waan ku jeclahay waad qurux badan tahay jir baad haysaa iwm.
Naagta guur ahaan xalaasha kuu ah waad u bandhigi kartaa guur, taas laguuma diidana laakin inaad saaxiib ka dhigato oo aad la raaxaysato sheeko taleefan iwm. taas ma aha akklaaqda islaamka, waana waddada xaaraanta iyo sinada kugu ridi karto.