Site icon Daruur درور

Gabar 24 jir ayaan ahay naaskay biya ayaa ka yimada marka caado aan qabo

Su’aasha:

waxaan ahay gabar 24 jir ah aan nin iama qabo maalmo kahor waxaan isku arkay iyadoo dhiiga caadada ii joogo naaska bidix oo biyo khafiif ka ka imanaya maxay noqon kartaa arintaas cudur miyaa waxa

xanuun ah ma jiro.

Gabar 24 jir ayaan ahay naaskay biya ayaa ka yimada marka caado aan qabo
Gabar 24 jir ayaan ahay naaskay biya ayaa ka yimada marka caado aan qabo

Jawaabta:

Sababo badan ayaa keeni kara naaska in dhacaan biyaha oo kale ka yimaado waxaa ka mid ah hormoonada jirka oo aan toosnayan waxaa ugu muhimsan taas hormoonka caanaha oo loo yaqaano carabiga هرمون الحليب ingiriiskana Prolactin  markuu kor u kacsan yahay ama daawooyinka qaar ay adeegsanayso gabadha ama walwalka iyo fekerka badan, waxaa kaloo keeni kara naaska in mar kaste la majuujiyo gabddhaha qaar naaska ayay iska tuutuujiyaan iyagoo raaxo ka dareemaya, taas waxay keeni kartaa dhacaan inuu keeno, waxaa kaloo dhici karto barar ama cudur kale inuu jiro, waxaa ugu fiican in baaro baaritaan lagu sameeyo si loo ogaado mushkilada dhabta haysata.

Waxaa kaloo am ku leeyahay ka jooji majuujiska iyo daliiga.

Exit mobile version