Gabadha Timaha malaga xiiri karaa?

Su’aasha:

ASC WAADKU MAHADSANTIHIIN TIXGALINTIINA ALLAH MACAK
GABADH NINKII KA DHINTAY SHIL OO AROOS AHAYD
NERVE XANUUN LEH OO MADAXU XANUUNAYO
TIMAHA MA LAGA XIIRI KARAA
MAR HADAY ASAYDIINA QAADAYSO DIINTU MAXAY KA QABTAA
ALLAH MAHADLE.

Gabadha Timaha malaga xiiri karaa?
Gabadha Timaha malaga xiiri karaa?

Jawaabta:

Caadi ahaan gabar qaangaartay madaxa lagama xiiri karo, maxaayeelay waa arin raga ku gaar ah xiiridda madaxa, marka lama oggola gabar inay rag isku shabahdo, laakin haddii ay jirto xaalad daruuro ah sida gabar madaxa injir badan ka gashay ama nabro kaga soo baxeen ama dhaawac ah ama cudur kale hayo oo ay daruuro tahay in timaha laga xiiro wax dhib ma laha markaas, Ilaahay (SW) diintan ma adkaynin daruuradana waxay banaynaysaa wixii xaaraan ah, marka dhib ma laha xaaladda aad sheegtay waa daruuro.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More