Site icon Daruur درور

Filimada xunxun madhalays may ninka ka dhigaan

Su’aasha:

scw walaal aad waxan u dawaday filimada qaawan oo raga iyo dumar isu taga niyadjab ayaan ka qaaday waxan idinka raba talo inaad i sisan oo hadan fuliyo taladas sideydi hore aan ku noqonayo, waxan kaloo aan rabaa inaan ogaado qofka daawada filimadaas oo biyaha isku celiyo madhalaysnimo mu ka qadaa.

Filimada xunxun madhalays may ninka ka dhigaan
Filimada xunxun madhalays may ninka ka dhigaan

Jawaabta:

Daawashada filimada galmada maskaxda dhib weyn ayay gaarsiiyaan caafimaad ahaan, diin ahanna waaba xaaraan, marka ka towbad keen hana u laabanin daawashada, teeda kale ka har dadka xunxun inaad la saaxiibto.

Qofka markuu is kiciyo oo biyaha aan ka bixin dhibaatooyin ayuu ka qaadaa, isku reebidda biyaha shahwada uu iska reebayo, qoora xanuun, marka way dhici kartaa hadduu badsado in saameys ay ku yeelayo arrintaas caafimaadkiisa xagga dhalmada, laakin si toos uma saameyso dhalmada, waxaa fiican qofka inuu ka fogaado wax kastoo xubintiisa taranka dhib u keeni kara mustaqbalka .

Exit mobile version