Aayadaha quraanka farsamada gacanta tilmaamay Tafsiirka Aayadaha Quraanka By Daruur On Feb 23, 2020 423 0 Qofka marka uu shaqeysanayo sharaf ayuu ku leeyahay dunida, qofka shaxaadka ku nool wax qiime uu dadka agtooda ku leeyahay lama arko, sidaa awgeed islaamka meel weyn ayuu dhigay shaqada, qofka muslinka waxaa laga rabaa inuu noqdo qof shaqaysanayo oo aan shaxaad dadka weyddiisanayn. Aayadaha quraanka farsamada gacanta tilmaamay Diinta islaamka waxay ku boorrisay shaqada iyo waxsoosaarka, quraanka wuxuu tilmaamay farsamadaha qaar wuxuu leeyahay Alle: {وَأَنْزَلْنَا الْحَدِيدَ فِيهِ بَأْسٌ شَدِيدٌ وَمَنَافِعُ لِلنَّاسِ} (Waxaana soo dajinnay birta iyadoo Shiddo ku dheehan tahay iyo nacfi dadka), sameynta doomaha, wuxuu leeyahay Alle: {فَأَوْحَيْنَا إِلَيْهِ أَنِ اصْنَعِ الْفُلْكَ بِأَعْيُنِنَا وَوَحْيِنَا} (Waxaana u waxyoonay ku Samee doon Ilaalintanada iyo waxyiganaga), wuxuu leeyahay Alle asoo ka hadlaya sameynta dharka: {وَمِنْ أَصْوَافِهَا وَأَوْبَارِهَا وَأَشْعَارِهَا أَثَاثًا وَمَتَاعًا إِلَى حِينٍ} (idinkana yeelay Suufkeeda iyo dhogarta (Geela) iyo dhogorta (Riyaha) Alaab iyo Maacuun tan iyo muddo), wuxuu leeyahay: {وَجَعَلَ لَكُمْ سَرَابِيلَ تَقِيكُمُ الْحَرَّ وَسَرَابِيلَ تَقِيكُمْ بَأْسَكُمْ }، (Idiinkana yeelay dhar idinka dhawra kulaylka iyo Qamiisbireed idinka dhawra (Dhibka) Dagaalka), wuxuu leeyahay asoo ka hadlaya sameynta maqaarka: {وَجَعَلَ لَكُمْ مِنْ جُلُودِ الأَنْعَامِ بُيُوتًا تَسْتَخِفُّونَهَا يَوْمَ ظَعْنِكُمْ وَيَوْمَ إِقَامَتِكُمْ} (Wuxuuna idinka yeelay harkaha xoolaha Guryo idiin fudud maalinta geediga iyo maalinta nagaadidaba). Diinta IslaamkaNolosha adduunkaShaqada 0 423 Share