Farmaajo yaa teegeersan maxaase laga rabaa

Wararka ka jira warbaahinta dunida maalmahan waxay afka ku hayaan hubka loo geeyay dowladda federaalka ee soomaali jirta.

Hubkaas waxaa keenay dalka Turkey waa deeq ay ugu deeqday dowladda Turkey dowladda Soomaaliyeed.

Hubka Turkey ay soomaali geeysay
Hubka Turkey ay soomaali geeysay

Dadka kasoo horjeeda dowladda federaalka oo ku eedeynaya Farmaajo inuu xoog ku haysto waxay leeyihiin dowladda Turkey waxay rabtaa Farmaajo inuu xoog ku haysto taasna waxaa la qabta dowladda Qadar oo Fahad Yaasiin wakiil uga ah dalka Soomaali.

Farmaajo sida ka muuqata wuxuu rabaa inuu haysto xukunka taasna wuxuu kaga dayanayaa Maxamed Siyaad Barre maslaxada dowladaha qaarna sidaas ayay keenaysaa.

Maxaayeelay haddii Farmaajo uu rabi lahaa inuu ka taliyo danta soomaaliyeed kuma dheganaan lahayn xukunka.

Deeqda militari ee turkiga
Deeqda militari ee turkiga

Waxaa yaab ah dad badan waxay ka dhigeen taageeridda Farmaajo inay tahay wadaninimo iyo qaran, qofkii kasoo horjeedana wuxuu u shaqaynayaa dowladaha shisheeyaha oo diiddaan soomaali inay degto.

Taageerada Turkiga ee ciidanka Soomaaliyeed
Taageerada Turkiga ee ciidanka Soomaaliyeed

Hadalkaas sax ma aha, Farmaajo iyo kooxaha raba inay madax ka noqdaan soomaaliya dhammaantooda danta qaranka soomaaliyeed wax ka talinaya kuma jiro, dhammaan waa la adeegsanayaa, dowlad kaste oo dan ka leh soomaaliya waxay rabtaa inay keensato qof iyada matalaya oo u shaqaynaya ee meesha ma joogaan dad xilkas ah oo diintooda iyo dalkooda iyo dadkooda u shaqayanaya.

Taasna way iska caddahay mar hore ayay dhacday in badan haddana way socotaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More