Tobanka bisha dilxija waxay leedahay fadli badan aan lasoo koobi karin, fadligaas waxaa kusoo aroortay nusuus aad u fara badan oo tilmaamaysa camalka la qabanayo tobanka bisha dulxija inuu yahay camal aad u weyn oo barako badan leh ajir weynna laga helayo.
Guud ahaan qofka muslinka waxaa laga rabaa inuu u degdego camalka suuban sida Alle in badan sheegay:
(Ma idin sheegaa mu’minka? Waa qofka dadka hantidooda iyo naftooda u nabadgaliya, muslinka: waa midka ay dadka ka nabadgalaan carrabkiisa iyo gacantiisa, mujaahidkana : waa kan kula jihaado naftiisa daacada Ilaahay, muhaajirkana: waa kan ka taga qaladaadka iyo dambiyada),
(Maalin ma jirto oo Ilaahay addoonka naarta ka xoreynayo oo ka badan maalinta Carafo, wuu soo dhowaanayaa malaa’igta ayuu ugu faanayaa)
waxaa laga wariyay Cumar bin Alkhadaab – Ilaahay raalli haka noqdee -: in nin yahuudi ah ku yiri : mu’miniinta amiirkoodiyow aayad kitaabkiina ku sugan aad akhrinaysaan annaga yahuudda hadday nagu soo degi lahayd maalintaas ciid ayaan ka dhigan lahayn, wuxuu yiri: aayaddee? Wuxuu yiri:
(Ma idin sheegaa camalkiina kan ugu khayrka badan ugu sarreynta badan darajada ugu fiican xagga rabbigiina, idinkana khayr badan siismada dahabka iyo qalinka kana khayr badan inaad cadowgiina la kulantaan oo qoortooda aad ka dhufataan iyaguna qoortiina ay idinka dhuftaan?,) waxay dhaheen: haa, wuxuu yiri: (waa xuska Alle).