Ereyada Other iyo Another farqiga u dhexeeya af Ingiriiska
Marka luqad la baranayo waxaa habboon in loo barto qaab sugan, lama rabo erey inuu kaa hoos baxo siiba ereyada aadka loo adeegsado, Af English marka aad baranayso waxaa jira ereyo u baahan in daymo gaar ah loo lahaado, waxaa ka mid ah areyadaas Other iyo Another oo muhim ah in la ogaado sida loo adeegsato.
Labada erey oo kala ah Other iyo Another ee luuqada igiriiska waxay tilmaamaan macnaha wax kale tusaale ahaan markaan dhaho:
I want another book |
buug kale ayaan rabaa |
Can you give me another pen |
ma isiin kartaa qalin kale |
Marka kali uu yahay shayga la sifeynayo waxaa la adeegsadaa another.
Laakin marka uu yahay wadar waxaan adeegsanaynaa other, isla tusaalooyinka aan soo aragnay ayaan tusaale ka dhiganaynaa:
I want other books |
buugaag kale ayaan rabaa |
Can you give me other pens |
ma isiin kartaa qalimaan kale |