Site icon Daruur درور

Dunida jihaad Maka jiraa

Su’aasha:

Asc Bahda Daruur waxaan doonayaa inaan idin waydiiyo fadwo Diini oo Xasaasi ah
Wadamada islaamka 99% Dastuur uma ahan Diinta iyo Kitaabka qur’aanka Taas bedelkeeda Xeerar bini aadamku sameystay ayaa marjic u ah Xeerarkaas ayaana bulshada islaamka lagu kala xukmiyaa Marka Laga Reebo in Dastuuradaas aadmigu Sameeyey aas aas looga dhigo Diinta islaamka Taasina waa ihaano loo geysanayo Kitaabka ilaahay maadaama Xukunka ilaahay darajada labaad Laga dhigay oo Kan bini aadamku Sameeyey uu yahay midka mudnaanta koowaad leh Sidoo kale Dadka islaamka ah 25% oo kaliya ayey ka yihiin bulshada caalamka Taas oo ka dhigan in afar meelood Saddex meel kamid ah bulshada caalamka ay yihiin dad aan haysan diinta islaamka sidoo kalana lagu tumanayo wadamada islaamka oo Diin ahaana loo takoorayo dadka islaamka ah Argagaxiso iyo meel ka dhacyo aysan u qalmina loo geysanayo awood ahaana Laga awood badan yahay Hadaba iyadoo la eegayo dhamaan Dhibaatooyinka aan Soo sheegay Laguna dabaqayo Kitaabka iyo axkaamta islaamka Waajib Diini ah ma tahay in dunida Jihaad looga dhawaaqo masa jirtaa meel dunida kamid ah oo waqti xaadirkan uu Ansax ka yahay Jihaadka.

Dunida jihaad Maka jiraa
Dunida jihaad Maka jiraa

Jawaabta:

Waxa aad soo sheegtay oo dhan waa arrin hadda jirta oo loo jeedo, jihaadka wuxuu u baahan yahay dowlad awood leh oo taageeraysa dadka jihaadaya, dowladaha maanta jira oo islaamka sheegta waa dawlado gaalada raacsan haka sugin inay islaamka difaacaan, xataa kooxaha sheegta inay la jihaadayaan gaalada waxaa sameystay sirdoonka dowladaha gaalada si magaca islaamka loo burburiyo, qofkii yiraahda maanta waxaan u dagaallamayaa islaamka isla markii waxaa lagu sifeynayaa inuu yahay argagixiso, teeda kale jihaadka ma istaago ilaa maalinta qiyaame qof kaste qaabka uu u awoodo ayuu ku jihaadayaa qofkaa gacan awoodo qofkii af awoodo iyo qofkii duco iyo qalbi awoodo, samanka aan joogno waa samanka uu rasuulka sheegay qofka diinta haysta waa qof dab gacanta ku haysta oo kale.

Wuxuu yiri rasuulka (scw):

(يأتي علَى النَّاسِ زمانٌ الصَّابرُ فيهِم على دينِهِ كالقابِضِ على الجمرِ)

(Dadka saman ayaa ku imaan doono kan diintiisa ku sabraya waa sida qof dhinbil dab haya)

Waxaa wariyay Attirmithi waana saxiix

Wuxuu kaloo yiri rasuulka (SCW):

(بَدَأَ الإسْلَامُ غَرِيبًا، وَسَيَعُودُ كما بَدَأَ غَرِيبًا، فَطُوبَى لِلْغُرَبَاءِ).

(Islaamka asoo dool ah ( asoon la kasaynin) ayuu soo bilowday wuxuu noqon doonaa dool, liibaan ayaa u sugnaatay dadka doolka ah (dadka islaamka ku dhegan))

Waxaa wariyay Muslim

Labadan xadiis waxay tilmaamayaan muslimiinta aakhir samaanka meesha xaaladdooda ay gaarayso tabaryaradi iyo gumaadka, iyadoo sidaas ay tahay qaar iyaga ka mid ah way dagaallamayaan ilaa masiix dajaal uu kasoo baxo, sida kusoo aroortay xadiis saxiixah oo Abuu daawuud wariyay, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(لا تَزالُ طائفةٌ من أمَّتي يقاتِلونَ على الحقِّ ظاهِرينَ علَى من ناوَأَهُم حتَّى يُقاتلَ آخرُهُمُ المسيحَ الدَّجَّالَ)

(Koox umaddayda ka mid ah kama suulayaan inay ku dagaallamaan xaqqa iyagoo ka adag kuwa cadowga ku ah ilaa mikooda ugu dambeeya uu la dagaallamo Masiix Dajaal)

Exit mobile version