Site icon Daruur درور

Dulqaadka ayaa iga tagay niyadjab ayaa igu dhacay ila taliya

Su’aasha:

Asc wallal waxaa i haysto dhib ah ayaan dhaweytay ayaa problem may niyada ayaa iga jabtay awal waxaan ahaa nin adag karti damiir leh oo wax walba haday noqoto sheeko dad iska riixis iyo samir ayaan ahaa oo gym dhigta xitaa
Lkn ayaan dhawayd intaan problem ayay waxaa i raacey niyad jab oo wax walba aan ka soo sheekeeyey oo aan qaban jiray xitaa way igu adag yihiin qof wax ma fahansiin karo waan xanaaqayaa waa samir badnaa oo qof ka aan markaas la joogo ayaan fiirin jiray haduu yahay qof aniga iga tabar liito waan qosli jiray dhibna uma qaadan jirin lkn hada xanaaq saaid ah
Tan labaad waxaa waaye inaa markasta maskaxdayda fikir wax ka xoog badan oo adi fikir iska ah taas oo ah inaa mar kasta maskaxdayda saaid ula sheekesto oo xitaa balwad ii noqotay sidii filim cml ayaan maskaxdayda u daawanayaa hal saac ama saac hadhow markii aan dhameeyo ayaan lee yahay maxay kuu taraysaa maxayna kuu qabatay mar dambe masay nayo ayaan dhahaa hadana waan sameyaa dhib miyey ii kaynaysaa jirkaygana miyey iga kala daadinaysaa ciro miyey iga soo saaraysaa duqooshin miyey iga dhigaysaa timahaygana wax miyey u dhimaysaa dad daydana waa 20 sano jir ila tali.

Dulqaadka ayaa iga tagay niyadjab ayaa igu dhacay ila taliya
Dulqaadka ayaa iga tagay niyadjab ayaa igu dhacay ila taliya

Jawaabta:

Dhibkan waxaa kuu keenay waa falalka qaldan, hadaad ka harto sidaadii hore ayaad ku noqonaysaa, iska ilaali wax kaste xun oo dhib u keeni kara diintaada iyo caafimaadkaaga.

Waxaa kaloo aad fiirinaysaa maxaa iska baddalay noloshaada waagii hore waad fiicanayd saad sheegtay maxaad samaysay oo la dhihi karo noloshaada ayuu saameeyay.

Exit mobile version