Dugaag dadow halkaan ka baro Bulsho Society By Daruur On Mar 15, 2021 366 0 Somali waa dal barwaaqo ah laakin dadkiisa waayay, waa dal deeq ay ka buuxdo laakin doqon deegaan u noqday. Dugaag dadow halkaan ka baro Dalkaas maanta haddii ay la lahaan lahaayeen dad badan dunida ku nool darajo ayuu gaari lahaan dandaradan dulliga ah kuma dirqisnaan lahayn. Ansalaatada qiimaha badan Furuudka somali laga helo Kaluun fareesh ah Kaluunka asoo la dubay Kaluunka dalkeena soomali Moos bukeeni cagaaran Moos bukeeni karay Dadka soomaaliyeed ma aha dad garanaya danahooda meesha ay ku jirto, waxay u dareeraan sida dugaagta duurka degan. Dalfeef iyo damiir la’aan ayay dugsadaan danyeerada ayay la daaqaan tolow ma aragtay dal ay ku nool yihiin dad walaalo ah oo haddana darbiyada laysu taagan yahay si laysu dardaro oo dugaag oo kale laysugu duufo, damac dartiina doolar iyo deeq laysaga dafo. Dad darajaxumidaas deeqday miyaa la dhihi karaa diin ayay haystaan. Dabcan dadka soomaaliyeed way ku jiraan dad dahab ah laakin dadka u badan waa nacan. Barwaaqada dalkaDhulka SoomaaliSomali 1991 0 366 Share