Ducada maalinta Carafo fadliga ay leedahay
Duaa of ARAFFA day
Ducada maalinta Carafo fadliga ay leedahay
Ducada maalinta Carafa waa duco la aqbalo, waa maalin aad u fadli badan, waa fursad aad u weyn qofka muslinka waxaa laga rabaa inuu ka faa’idaysto fursadda maalintan, waa maalin Ilaahay addoomaha ka xoraynayo naarta, waa maalin dambiyada uu u dhaafayo addoomaha oo dhan muslimiinta ah.
Ducada maalinta Carafaad waa fursad aad u weyn waxaa kugu habboon inaad Ilaahay dambidhaaf weyddiisato, sidoo kale haddii aad ducaysato adoo sooman ducadaada waxay u dhowdahay in lagaa aqbalo. waxaa kasoo arooray nabigeena SCW inuu yiri:
(أفضل الدعاء دعاء يوم عرفة، وأفضل ما قلت أنا والنبيون من قبلي لا إله إلا الله وحده لا شريك له)
(Ducada ugu fadli badan waa ducada maalinta carafo, waxaana ugu fadli badan aniga iyo anbiyada iga horreeyay hadalka aan niri: Ilaaah kale ma jiro Alle kaligiisa mooyee mana laha qof wax la wadaago)