Site icon Daruur درور

Dhegeyaraha waxtarka uu leeyahay clove benefits

Dhegeyaraha waxtarka uu leeyahay clove benefits

The benefits of cloves are many, and have multiple uses

Faa’idooyinka dhegayaraha aad bay u badan yihiin siyaabo badanna waa loo adeegsadaa

Dhakhaatiirta wax badan ayay ka ogaadeen geedka dhegeyaraha (qalinfurka) oo ah geed manta qof kasta uu si sahlan ku heli karo.

Haddaba maxay yihiin faa’idooyinka uu u leeyahay caafimaadka.

Marka hore wuxuu lid ku yahay cudurka kansarka, taas waxaa ogaade dad baaritaan ku saameeyay dhegeyaraha waxtarka uu leeyahay.

Siiba kansarka ku dhaco ilamaggaleenka, daraasadaas waxay gaartay inuu dilayo unugyada  kansarka, taas oo lagu tijaabiyay dumarka cudurkaas qabay, markii lagu daaweeyay, wuxuu ka dilay unugyada kansarka

Dhegeyaraha waxtarka uu leeyahay
Dhegeyaraha waxtarka uu leeyahay

Sidoo kale wuxuu u roon yahay qalinfurka beerka, wuxuu hagaajiyaa shaqa uu beerka qabto.

Sidoo kale wuxuu la dagaalamaa inuu beerka harkago.

Wuxuu kaloo uu jirka u taraa, inuu sokorta ka yareeyo dhiigga, taasna waxaa lagu ogaaday daraasooyin kala duwan oo ay sameeyeen aqoonyanno badan.

Sidoo kale dhegayaraha wuxuu u roon yahay lafaha, dadka ka sheegta lafaha daawo ayuu u yahay, lafaha ayuu adkeeyaa, wuxuuna ka ilaaliyaa burburka, sidoo kale lafaha xanuunka.

Dhegeyaraha ( qalin furka) wuxuu la dagaalamaa gaastariga, wuxuu u roon yahay guud ahaan cudurada caloosha.

Sidoo kale dadka ciriirdka ka bukan ama afka ka huraya aad buu ugu fiican yahay, guud ahaan wuxuu la dagaallamaa bakteeriyada afka iyo carrabka iyo ilkaha gasha, oo keenta nabro.

Marka waa geed faa’idooyin badan leh, una roon jirrooyin badan, wuuna sahlan yahay helitaankiisa.

Xitaa waxaa helaa saliidda dhegeyaraha, iyadoo waxyaalo badan loo adeegsado oo ay ka mid tahay raga biyabaxa degdega qaba inay u roon tahay, dhakhaatiirta aqoonta u leh galmada ayaa waxay gaareen arrin muhim ah taasoo ah inuu biyabaxa dib u dhigo, kareemooyinka la ma ariyo xubinta taranka ninka ayaa lagu daraa saliidda dhegeyaraha, marka daawo ayuu u yahay biyabaxa degdega oo raga qaar ay ka sheegtaan.

 

Daawada kawaabyada biyaha daahiso ninka dhib ma u keentaa

Dhegeyaraha (Clove) Siduu Ugu Roon Yahay Raganimada

إذا تناولت قدرا من ‌القرنفل ينفع الصبي الذي يتقيأ وكذلك إذا دق طسوج من الرنفل يحل في اللبن ويسقى للصبي يسكن عن القيء ويقطع منه في يومه وهذه من المجربات التي جربناها نحن
قرفة ‌القرنفل قشور غلاظ في لون القرفة وله طعم ‌القرنفل فهو أضعف في أفعاله من ‌القرنفل. الطبع: حار يابس في الثالثة. قرفة الدارصيني. الماهية: يقال أنها من الدارصيني ويقال بل هي من جنس آخر وهو صلب كالدارصيني ومنه ما ليس بصلب ومنه ما هو مخطط ومنه أبيض ومنه سريع التفتت وهو اضعف من الطبع: حار يابس في الثانية. قردمانا. الماهية: شجرة تنبت بأرمينية والبلاد التي يقال لها قماعينا وقد يكون أيضا ببلاد الهند وبلاد العرب والقردمانا تؤخذ من ذلك النبات وقد يكون في غير ذلك من البلاد
وقد يعرض للصبي قيء مبرح فربما نفع منه أن يسقى نصف دانق من ‌القرنفل وربما نفع منه تضميد المعمة بشيء من حوابس القيء الضعيفة. وقد يعرض للصبي ضعف المعدة فيجب أن تلطخ معدته بميسوس بماء الورد أو ماء الآس ويسقى ماء السفرجل بشيء من ‌القرنفل والسك أو قيراط من السك في شيء يسير من الميبة

Exit mobile version