Dhaqanka dadka iimaanka leh

Dadka iimaanka leh waxay leeyihiin astaamo lagu garto, iyo dhaqan suuban oo ka soocaya dadka xunxun.

Dhaqanka dadka iimaanka leh
Dhaqanka dadka iimaanka leh

Nusuus badan ayaana tilmaantay arrintaas halkaan ayaad ka arki doontaa.

Alle wuxuu sheegay dadka iimaanka leh inay ku degdegaan khayraadka, waxay ka baqayaan inaan laga aqbalin, rajo damac ayay ka qabaan in laga aqbalo oo abaalkiisa ay helaan, wuxuu yiri Alle:

{إِنَّ الَّذِينَ هُمْ مِنْ خَشْيَةِ رَبِّهِمْ مُشْفِقُونَ * وَالَّذِينَ هُمْ بِآيَاتِ رَبِّهِمْ يُؤْمِنُونَ *وَالَّذِينَ هُمْ بِرَبِّهِمْ لَا يُشْرِكُونَ * وَالَّذِينَ يُؤْتُونَ مَا آتَوْا وَقُلُوبُهُمْ وَجِلَةٌ أَنَّهُمْ إِلَى رَبِّهِمْ رَاجِعُونَ* أُولَئِكَ يُسَارِعُونَ فِي الْخَيْرَاتِ وَهُمْ لَهَا سَابِقُونَ*}

(Kuwa uun cabsida rabbigooda la baqaya * kuwa uun aayaadka rabbigooda rumeeya * kuwa uun rabbigooda aan la wadaajinin * kuwa bixinaya waxa la siiyay iyadoo ay ka cabsan quluubtoodu inay xagga Alle u noqon * kuwaasaa u degdega khayraadka kuna hormaraya *), wuxuu leeyahay Ibnu Kathiir: “way baqayaan iyagoo leh iimaan iyo ixsaan iyo camal suuban, waxay ka cabsadaan Alle waxay ka baqaan inuu xaalkooda isbaddalo.

فعَنْ أم المؤمنين عَائِشَةَ (رضي الله عنها) ، قَالَتْ: يَا رَسُولَ اللَّهِ ، قول الله تعالى: {والَّذِينَ يُؤْتُونَ مَا آتَوْا وَقُلُوبُهُمْ وَجِلَةٌ أَنَّهُمْ إِلَى رَبِّهِمْ رَاجِعُونَ} هُوَ الَّذِي يَسْرِقُ ، وَيَزْنِي ، وَيَشْرَبُ الْخَمْرَ ، وَهُوَ يَخَافُ اللَّهَ؟ قَالَ : (لَا يَا بِنْتَ أَبِي بَكْرٍ ، يَا بِنْتَ الصِّدِّيقِ ، وَلَكِنَّهُ الَّذِي يُصَلِّي ، وَيَصُومُ ، وَيَتَصَدَّقُ ، وَهُوَ يُخَافُ اللَّهَ عَزَّ وَجَلَّ) ؟.

Waxaa laga wariyay Caa’isho – Ilaahay raalli haka noqdee – waxay tiri: rasuulkii allow oraahda Alle: (kuwa bixinaya waxa la siiyay iyadoo ay ka cabsan quluubtoodu inay xagga Alle u noqon)  midka wax xado oo sinaysto oo khamrada cabbo oona Ilaahay ka cabsado miyaa? wuxuu yiri: (maya Abuubakr inantiisow siddiiq gabadhiisow waa kan tukada oo sooma oo sadaqaysta oona Ilaahay ka baqa)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More