Dareenka badan ma xanuun baa?

Su’aasha:

Ascw walal suaal ayan qabaa kacsiga badan ma xanun baa sababa? waxan ahay gabar 24 jir ah ah oo gudan hadana aad u kacsi badan darenkeyga aad ayu u badan yahay sidee ku dhacee qof u gudan firconi inuu kacsi is celin karin hadii aan arko ragga muqal ahan qurxan wan kacsanayaa waxan gaaray ragga inan fiirin Hadan Arkana aan kacsigeyga high noqdo. walal
filim xun xun ma daawado qof asturan oo Alle ka baqdo ayan ahay lakin xaal keyga waa sidan ee maxa sameeyaa? Pls isoo jawab.

Dareenka badan ma xanuun baa?
Dareenka badan ma xanuun baa?

Jawaabta:

Dareenka waxyaalo badan ayuu u noqon karaa kaliya ma aha gudniinka, inkastoo gudniinka dumarka qaar uu kacsiga ka yaraynayo hadana waxaa jira dumar uusan saamayn karin.

Marka waxaa jira hormuunada jirka xaga dareenka inay meel sare joogaan taas way keeni kartaa dareenka badan, hormuunadaas waxaa xoojiya cuntada qofka uu cunayo marka ay tahay cunto dareenka kicisa.

Marka waxaa xal kuu ah inaad guursato waayo guurka ayaa ah waddada saxa ah oo qofku shahwadiisa ku damin karo.

Haddii aysan kuu suurtagali karin inaad guursato duruufo awgood waxaa kugu haboon inaad iska yareyso cuntada dareenka kicisa sidoo kale inaad isku mashquuliso waxyaalo kale oo kaa yareyn kara dareenka aad dareemayso sida buugaag inaad akhriso waxaana ugu fiican wax la akhriyo quraanka iyo axadiista.

niyadda ayay kuu dejinayaan waxay ku xusuusinayaan arrimaha aakhiro oo kaalin ka qaadanaya inay yareeyaan shahwada badan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More