Calool fadhi saxarada oo adkaata maxaa u roon
Su’aasha:
Sidee loo jilciyaa saxarada adag oo soo dhaafi wayda xiidmaha taas oo sabab u tahay calool fadhi iyo xanuuno kale ?

Jawaabta:
Qofka in caloolfadhi hayo waxaa lagu gartaa dhowr arrimood waxaa ka mid ah wuxuu u baahan yahay awood badan inuu bixiyo markuu saxaroonayo, sidoo kale saxarada oo dhagax oo kale noqota, iyo inuu dareemo saxarada inay tahay mid aan dhamaanin, iyo wax yar kaliya inuu saxaroodo.
Caloolfadhiga waa halis wuxuu keeni karaa jirrooyin aad u daran, qofka waa inuu iska ilaaliyaa intuu karo.
Caloolfadhiga waxa u fiican waa cuntooyinka qoyan sida maraqa iyo suugada, waxaa kaloo u roon qudaarta noocyadeeda kala duwan sida babaayga iyo qajaarka, waxaa kaloo qofka laga rabaa inuu badsado biyaha, iska ilaali cuntada qalaylka ah sida rootiga iyo muufada iyo bariiska oo qalalan waxay adkeeyaan caloosha, qofka waxaa la rabaa sidoo kale inuusan daawo adeegsan si dabiici ah ayuu u jilcin karaa calooshiisa, qofka marka calooshiisa ay socoto cudrro badan ayuu ka badbaadaa.
Waxa kaloo caloosha jilciya saliid macsarada iyo saliid seytuunka qofka cunaya saxaradiisa way jilcaysaa, waa inuu ka fogaataa cuntada warshadaha.
A person with constipation is characterized by several factors, including the need for a lot of force to pass stool, as well as the stool becoming like a stone, and feeling that the stool is not finished, and only having a little bowel movement.
Constipation is dangerous and can cause serious illnesses, a person should avoid it as much as possible.
The best thing for constipation is wet foods such as soups and sauces, and various types of vegetables such as papaya and cucumbers are also good for it, the person is also required to drink plenty of water, avoid dry foods such as bread and muffins and dry rice, they harden the stomach, the person is also required not to use medicine, he can soften his stomach naturally, when his stomach is moving, he is protected from many diseases.
Also softening the stomach are olive oil and olive oil, the person who eats it softens the stool, he should avoid industrial food.
