Cuncunka siilka maxaa keeno sideena loo daaweeyaa
Cuncunka siilka maxaa keeno sideena loo daaweeyaa
Cuncunka siilka waa wax aad u dhib badan gabadha aad bay u ciriiriyaa.
iyadoo meel bulsho taagan ayaa ay qabsanaysaa arrintaas waa dhib.
siil cuncunka maxaa keeno maxana daawo u h?.
siil cuncunka afka English waxaa loo yaqaanaa Vaginal Itching mararka qaarkooda lama ogaan karo sababta keenaysa, mararka qaarkooda waxaa keenaya cudurada gudba ee xubnaha taranka haweenka, mararka qaarkooda wuxuu tilmaamayaa cuncunka farjiga cudurka kansarka.
Sababaha waxaa ka mid ah xasaasiyad.
naagta maqaarkeeda inuu xasaasiyad ka qabo maaddooyinka kiimikada sida bomaatada ama daawooyinka qaarkooda ama kaniiniga uurka oo kale ama saabuunta qaarkeeda waxaas oo a dhan waa laga yaabaa inay keenaan cuncunka cambarka.
waxaa kaloo keeni kara cudurka sokorowga ama cudurka macaanka kaadida,
sidoo kale cudurada maqaarka ku dhaco cuncunka way keeni karaan, cudurkaas waxaa uu ka dhigayaa maqaarka jirka mid qallayl ah waxaa laga yaabaa inuu u gudbo duleelka siilka darbigiisa ama xuubka maqaarkiisa jilicsan marka cuncun uu u keeno.
waxaa kaloo keena cuncunka bakteeriyada qaar oo ka dhalata wasakhda taas oo keenta cuncun daran iyo kaadida oo gabadha gubta.
sidoo kale cudurka Trichomoniasis wuxuu keenaa cuncunka hoose, cudurkan wuxuu ka dhashaa galmada wuxuuna keenaa dhacaan jaalle ah sidoo kale naagta waxay dareemaysaa xanuun marka ay kaadinayso, kaadidana way gubtaa.
sidoo kale cuncunka wuxuu ka imaan karaa naagta marka ay gaarto da’da quusiga ama marka dhiigga caadada (xaydka) ka istaago oo ay noqoto naag da’ weyn afartan sano dhaaftay camarkeeda wuxuu noqonyaa mid qallayl ah oo aan dhacaan lahayn.
sidoo kale waxaa keeno walwalka daran, kaasoo keenaya hormuunada qaar inay soo daayaan waxyaabo keeni kara cuncunka.
daawada waxay noqon kartaa marka la baaro wixii keenay.
laakin si dabiici ah ayaa loo daaweyn karaa.
nadaafadda ayaa ugu muhimsan naagta mar kasate waa inay nigiska iska baddashaa yaysan ku daahin kastuumada ay xirato.
bakteeriyada waxay ka dhalataa wasakhda badan, marka gabadha ay dharka hoose ku daahdo waxaa ka dhalanaya cuncun daran.
teeda kale saabuunta ay adeegsanayso waa inay ahaataa saabuun aan xasaasiyad u keenin cambarka.
wixii dheeraad ah oo ku saabsan caabuqa