Codadka Xayawaanada – Soomaali iyo Carabi
Luqadaha marka lagu xeeldheeraado waxaa loo gudbaa meel kasii fog wada hadalka caadiga ah, waxaa soo galaya dhawaaqa u gaarka ah nooleyaasha qaar, inkastoo afafka badankooda aysan arrintaas si xoog u eegin haddana af soomaaliga wuxuu ka mid yahay afafka daneeya sida carabiga oo kale, xayawaan kaste codkiisa inuu siiyo magac u gaar ah, haddaba halkan waxaad ku arkaysaa magacyada cododka xayawaanada iyo shinbiraha oo af carabi loo tarjumay.

Inta badan qaamuus carabi ama soomaali markaad furto ayaad arkaysaa magacyada cododkan, dadka badankooda maba adeegsadaan.
Noolaha/ somali | Codka/ somali | الصوت / arabi | الحيوان / arabi |
Geela | Olol | رغاء/هدير/بخبخة | الجمل |
Ariga | Ci | ثغاء | الماعز |
Lo’da | Banaaxi | خوار | البقرة |
Fardaha | Danan | صهيل | الخيل |
Dameeraha | Danaani | نهيق | الحمار |
Libaaxa | Diinaahyeyn | الزئير | الأسد |
Shinbiraha | Bulxan | زقزقة | العصفور |
Sagaaro | Wis | سليل | الغزال |
Dhurwaa | ci’/Qaylo | زمجرة | الضبع |
Dawacada | Alleegad | ضُباح | الثعلب |
Eyga | Wah-wah | نباح | الكلب |
Doorada | Qaxanqax | نقنقة | الدجاجة |
Sidoo kale wixii cod xayawaan aad garanayso kusoo qor hoose codka iyo xayawaanka si loogu biiriyo jadwalkan from somali to arabi.