Tarantulas Arabic to Somali – Arabic Translator

Somali Arabic Translator, tarantulas Arabic to Somali

Afka carabiga waa af aad u ballaaran marka af soomaali lagu tarjumayo qofka wuxuu la kulmaa dhibaatooyin fara badan.

Waxyaalaha ugu caansan oo dadka ay ku qaldamaan waxaa ka mid ah labka iyo dhedigga.

Somali Arabic Translator tarantulas Arabic to Somali
Somali Arabic Translator tarantulas Arabic to Somali

Afka carabiga wuxuu leeyahay lab iyo dheddig sidoo kale af soomaaliga isagana wuxuu leeyahay lab iyo dheddig laakin labada luqadood iskuma raacsana ereyada labka ah iyo kuwa dheddiga ah.

Tusaale ahaan  ereyga “dab” af soomaaliga waa lab carabigana waa dheddig oo ah  “نار”  markaan tusaale aan keenoo waxaan leenahay:

 

Dabka guriga ayuu gubayأحرقت النار المنزل
Cirka waa iftiimayأشرقت السماء

 

Falka gubay waa lab hadduu dheddig ahaan lahaa wuxuu noqon lahaa “gubtay”  waxaa xoog badiyay magaca oo ah dab falkana isagaa la raaciyay.

Marka qaar labada luuqadood carabiga iyo soomaaliga waxay isku raacaan ereyga nooca uu yahay sida ereyga “gacan” oo dhedig.

ereyga   “يد”  carbiga ah inuu isagana dedig yahay markaas tarjumaadda wax dhib ah lama soo gudboonaanayo sida tusaalahan oo kale:

 

Gacanta wejiga ayay taabatayلمست اليد الوجه
Isha way ilmaysayدمعت العين

 

 

Arabic Somali dictionary قاموس عربي صومالي

 

Afka ingiriika ma aha sida carabiga iyo soomaaliga labka iyo dhediiga magacuyaalka ayuu galaa kaliya sida he iyo she.

Laakin falka ma qaato lab iyo dheddig  tusaale

 

 

Gacanta wejiga ayay taabatayThe hand touched the face
Isha way ilmaysaythe eye brought tears

 

 

Dabka guriga ayuu gubayThe house burned down
Cirka waa iftiimayThe sky lighted

 

Qaamuus soomaali ama af kale sida carabi ama English qofka si toos ah ugama ogaan karo labada ereyga lidka isku ah ama lab iyo dheddigga uu la socdo.

Somali Arabic Translator
Somali Arabic Translator

 

Luuqadda Carabiga Qaababka Loo Baran Karo

 

 

Tarantulas Arabic to Somali

 

 You can get translation service from  Microsoft translator 

Tarantulas Arabic to Somali - Arabic Translator
Tarantulas Arabic to Somali – Arabic Translator

Halkaan waxaad arkaysaa ereyo badan oo carabi iyo english iyo soomaali ah:

 

ArabicEnglishSomali
كتابbookbuug / kitaab
قلمpenqalin
دماغbrainmaskax
غضبangryxanaaq / caro
حبlovejacayl
دواءmedicinedaawo
مشيwalkingsocod
كلامspeechhadal
طعامfoodcunto
اسمnamemagac
ورقةpaperwarqad
جريدةnewspaperwargeys
صحافةpresssaxaafo
قتالfightingdagaal
بندقيةgunqori
عصاstickul
موقعlocationmeel
قاموسdictionaryqaamuus
ترجمةtranslationtarjumaad
نحوgrammarnaxwe
معرفةknowledgeaqoon
طالبstudentarday
مدرسةschooldugsi
جامعةuniversityjaamacad
مديرmanagermaamule
فكرideafigrad
طريقroadwaddo
سماءskycir / samo
أرضearthdhul
نجمstarxidig
ماءwaterbiyo
تربةsoilciid / turaab

Leave a Reply