Asc waxaan isku arkaa biyo bax xiliyada hurdada iyo Marka aan kaadinayo waxaa Laga yaabaa week-gii in 2 ama 3 habeen aniga oo hurda in biyaha iga yimaadaan
Arintan Wal Wal ayey igu haysay waxaan kala sheekestay Saaxibaday waxay igu yiraahdeen Siigada iskadaa lkn anigu waligay ma Siigeysan waxaan iskaga shakisanahay in aan xanuunsanahay maxaayeelay qof kasta oo aan arintan kala hadlo xataa dhaqatiirta waxay igu yiraahdaan Siigada ayaa sababta aniguna qof waxaa sameeya ma ahi
Jawaabta:
Waxa aad sheegayso siigada ma keento, qofka siigaysta inta badan hurdada kuma biyabaxo, maxaayeelay biyaha siigada ayuu ku bixiyay, sidoo kale waxa ku hayo ma aha jirro waa wax dabiici ah oo raga aan siigaysanin ay la kulmaan, taas waxay tilmaamaysaa inaad caafimaad qabto oo aadan cillad ka qabin xagga awoodda raganimada, marka dadkaas sidaa kugu yiri warkooda ka bax ee wax dhib ah kuma haysto.