Bahalka ninka maxaa damiya xiliga raaxada
Su’aasha:
Aniga guskaygu aad uma adkaado biyuhuna horay bay iiga soo baxaan mxn sameeyaa ila taliya mahadsanidiin.
Jawaabta:
Arrintaas waxaa keeno sababo badan waxaa ka mid ah dhiigga aan si fiican u gaaraynin xubinta taranka, waayo waxa taagaya xubinta taranka waa dhiigga kasoo qolqolaya wadnaha, taas waxay u noqon karaa jirro sida sokorta iwm. sidoo kale waxaa keena walwalka qofka iyo cabsida uu ka qabo galmada, marka lama ogaan karo sababta kuu keentay ilaa lagaa baaro, daawadana markaas ayaa lagu heli karaa, biyabaxa degdega isagana sababo badan ayaa keenaya in badan ayaan kasoo hadalnay, marka waxaa ku anfacaya inaad ka akhrisato linkyadan:
Geedka ninka maxaa damiya marka xaaska loo tagayo
Ninka geedka maxaa ka jilciya iyo daawada adkeysa
Ginseng oo ah daawo geedka raga adkeysa
Sababaha biyabaxa degdega keeni kara waa maxay