Bacteriyada wanaagsan Sidee loo kordhiyaa

Bacteriyada wanaagsan Sidee loo kordhiyaa

Su’aasha:

Asc Isha ayaa waxaa iga galay qashin waxaan tagay dhaqtar waala iga saaray balse waxay igu haysay Xanuun badan dhaqtarkii ayaan ku noqday waxaana ku iri wali inay wax igu jiraan baan ka shakisanahay Wuxuu igu yiri halka aan qashinka ka fujinay baa bugta xanuunka sidaa baa keeneysa ee qalajiye badan isticmaal si fudud ayey ku bogsooneysaa qalajiyeyaal badan ayaan cunay waxaa mar qura jirkeyga oo dhan is qabsaday Finan wajiga ilaa qoorta Garbaha iyo Xabadka Dhaqtar maqaar ayaan u tagay hadana Wuxuu igu yiri Bacteriyada wanaagsan ayaa Kaa dhimatay waxaana kuu keenay qalajiyeyaasha badan daawooyin ayuuna Ii qoray walina waxtar badan Kuma arkin Wuxuu igu yiri 15 beri kadib iiso noqo baaritaano dheeraad ah baan kuu direynaa haday wax kuu Tari waydo

Su,aasha aan doonayo in la iiga jawaabo waxay tahay sidee loo kobciyaa Bacteriyada wanaagsan misa la awoodaa in la kobciyo xiriirna Maka dhaxeeyaa bacteria wanagsan oo dhimata iyo finanka yar yar

Bacteriyada wanaagsan Sidee loo kordhiyaa
Bacteriyada wanaagsan Sidee loo kordhiyaa

Jawaabta:

Bacteria labo ayay u kala bahdaa mid xun iyo mid fiican, midda fiican oo ah dhowr nooc waxaa ka mid ah Bifidobacterium iyo Lactobacillus iyo Saccharomyces inta badan waxay ku dhex jirtaa qalabka dheefshiidka siiba mindhicirka weyn, wax weyn ayay u taraysaa caafimaadka qofka.
Bakteeriyada waxtarka leh waxaa laga helaa cuntada khamiirtay sidoo kale caanaha dhanaanka iyo farmaajada ama jubnada iyo qudaarta dhanaan laga dhigo oo la khamiiriyo, sidoo kale waxaa laga helaa mooska iyo basasha, waxaa kaloo laga rabaa qofka rabo inuu helo bakteeriyadaas sokorta inuu iska ilaaliyo wax badan inuusan qaadanin sidoo kale qalqalka iyo murugta inuu iska yareeyo, dufinta badanna inuu iska yareeyo, waa inuu ahaadaa qof socodkiisa badan yahay, hurda ku filanna waa inuu haystaa.

Xiriir weyn ayaa ka dhexeeya bakteeriyadaas iyo jirrooyin badan, bogsashada nabraha iyo fimanka xiriir ayay la leeyihiin arrintaas, marka waa inaad ku dadaashaa waxyaalaha aan soo sheegay.

Waxaa kaloo jira kabsol la dhaho Probiotics oo ah bakteeriyada fiican oo laga helo farmashiyaha oona la cabbi karo kala tasho dhakhtarka ku daaweynaya.

 

Cudurka furuqda daayeerka Monkeypox waxa uu yahay iyo siduu ku faafo

Basasha Cad Iyo Tan Guduudan Tee Kacsiga U Fiican

Maxaa laga helaa basasha

 

There are two kinds of bacteria that are good and bad, and the good bacteria in several species include Bifidobacterium and Lactobacillus and Saccharomyces. It is mainly in the digestive system that removes the large intestine, and it is very good for the health of the person.
Useful bacteria are found in fermented foods as well as in the milk of the gums and pharmacies or in the juices and vegetables that are fermented and fermented, they are also found in bananas and onions, and the person who wants to get these bacteria is also required to avoid taking too much and also to reduce the stress and sorrow. To reduce the amount of fatness, he must be a person who walks a lot, and he must have enough sleep.

There is a great relationship between these bacteria and many illnesses, wound healing and fiancence are related to that, when you have to strive for the things I mentioned.

There is also a capsule called Probiotics, which is a good bacteria that is found in pharmacies and can be drunk and consult with the doctor who treats it.

 

 

You might also like
2 Comments
  1. Waxaan ku riyoodey ayeeyadeey oo dhimatey 2015 aniga oo lajoogo
    mo.ak says

    Webkan aad ayaan ugu mahad celinaya su.aasha aan uso galay hadda ayaan hely wll hore ayaaba looga jwaabay alx antibiotic wa tirtiraha gut bacteriyada aniga kinigaas ayaan hada dirsaday lkn wax dhakhtar ah lama tashan dhiibato maa iiga iman karto waliba 50 billion cfu ayaan dirtay

    1. Waxaan ku riyoodey ayeeyadeey oo dhimatey 2015 aniga oo lajoogo
      Daruur says

      walaal meesha su’aasha loogu talaggalay kusoo dir marka la furo

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More