Asxaabtaydu waxay sameeyaan ma samayn karo xishood dartii ila taliya

Su’aasha:

Asc aad baan idiin salaamay bah waynta daruur.com
Runti shaQada aad bulshada u haysan maha mid layska indha tiri karo waxyaabo badan baan idinka faa,iday inti aan idinku xidhna
Insha Allah waxaan idiin rajaynaya horumar ballaadhan wll.

Hadaan su,aashayda usoo laabto
Nio horta waxan ahay nin xishood badan
Asxaabtaydu waxay sameeyaan ma samayn karo xishood dartii wxaan dareema kalsooni iyo dhiiranaan la,aan hadan gabadh aan ka helay aan is dhaho ugu yaraan lahadal wadnaha igariira waan iska daaya markaasna dadka aanu asxaabta nahy runti maha dad sidaydo kala dadka way la kaftakaan rag iyo dumar ba kadibna numberka ayay ka Qortan ana wxan is waydiiya waxa ay i dheeryihin naftayda oon ugu dhiiran waayo wxay kaftan ahan u sameeyan waxan raba inaad ila talisaan culimo oon xishoodka badan iyo ku dhiiranaan la,aanta aan ka baxo
Waxaan rajaynaya inaad wax badan iga sixi doontan.
Mhadsanidiin walaalahayow

Asxaabtaydu waxay sameeyaan ma samayn karo xishood dartii ila taliya
Asxaabtaydu waxay sameeyaan ma samayn karo xishood dartii ila taliya

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa in xishood iyo yaxyax ay kala duwan yihiin, xishoodka waa in laga fogaadaa wixii xun oo akhlaaqda ka baxsan, maanta gabar in si qaab daran loola hadlo wax fiican ma aha, waana wax laga xishoodo, qofkii aan arrintaas ka xishooninna ma aha qof wanaagsan, sidaa awgeed diinta islaamka xishoodka waxay ku tirisay inuu ka mid yahay iimaanka, nabiga (SCW) wuxuu yiri :

(الحياءُ منَ الإيمانِ ، والإيمانُ في الجنَّةِ ، والبَذاءُ منَ الجفاءِ ، والجفاءُ في النَّارِ)

(xishoodka iimaanka ayuu ka mid yahay iimaankana jannada ayuu ku sugan yahay, afxumida waxay ka mid tahay qallafsanaanta qallafsanaantana naarta ayay ku sugan tahay)

Marka adiga waxa ku hayo waa yaxyaxa, taasna waxaad kaga bixi kartaa inaad hesho kalsooni dheeraad ah waxaad ku heli kartaa inaad wax barato oo diinta fahanto oo aad la saaxiibto dadka wanaagsan oo niyadda kuu dhisaya oo aan ku liidaynin, in badan ayaan ka hadalnay webka ayaad ka dhex raadin kartaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More