Astaamaha Riyada Shaydaanka lagu garto

Riyada axaadista  sida ay Sheegtay waxay ka timaadaa labo meel

meesha koowaad waa xagga Ilaahay, riyadaas waa mid suuban sida axaadiista ay ku sheegtay.

Waana riyo bishaaro xambaarsan, waana riyo dhab ah, ama riyo digniin ah, oo addoonka Ilaahay lagaga digayo waxyaalaha qaarkooda.

Riyada kale waa midda ka timaada xagga shaydaanka.

Riyadaas waxaa lagu gartaa astaamo badan oo ay ka mid yihiin:

  1. Cabsi iyo naxdin daran ayaa la socota

  2. qofka marka uu riyoonayo si qaab daran ayuu u arkaa oo xun

  3. riyada shaydaanka way isku qasan tahay

  4. waxaa laga yaabaa inuu ku riyoodo galmo markaas biya ayaa ka imaanaya waa janaabada

  5. culays ayuu dareemayaa marka uu riyoonaya mararka qaarkooda neefta ayaa ku dhegta

Wuxuu arkayaa waxyaalo tusaya inuusan awood lahayn sida isagoo ordi rabo aan ordi karin isagoo gadaashiisa qof mindi ama seef wata soo socda, ama wuxuu arkayaa isagoo meel dheer kasoo dhacaya, xitaa wuu dareemayaa markuu jiifo, wadnihiisa aad bay shaqynayaan markaas.

Marka aad aragto riyada noocan ah maxaad samaynaysaa?

Astaamaha Riyada Shaydaanka lagu garto
Astaamaha Riyada Shaydaanka lagu garto

Waxaa layna faray marka aan aragno riyo xun inaan Ilaahay ka magangalno dhinaca seexashadana inaan beddelno dhinaca bidixna inaan wax ku afuufno sida xadiiska uu sheegay.

Riyada galmada ama dumarka la arko midda shydaanka waxaa lagu gartaa inaad isku junuubto ama biyaha kaa baxaan adoo hurdaya, laakin galmada haddii aysan biyo kaaga bixin macne ayay yeelan kartaa, waxaa lagu fasiri karaa marka qaabka adiga aad ku aragtay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More