Anoo 20 jir ah cirro ayaa igu soo badanaysa maxaa xal u ah
Anoo 20 jir ah cirro ayaa igu soo badanaysa maxaa xal u ah
Su’aasha:
Asalaamu Caleykum.
Shiikha waan u mahad celinaya wana bogadinaya shaqadan fiican ee uu hayo.
Su’aasheyda hadaan u guda galo dhakhtar waxaa igu sii badaneysa ciro timaha madaxa iyado da’adeydu ay tahay 20jir.
markaa maxad warbixin iga siin lahayd ciladan maxaase igula talin lahayd.
mahadsanid.

Jawaabta:
Cirada waxaa keena sababo badan, waxaa ka mid ah fekerka badan, qofka marka uu aad fekerayo madaxiisa cirro ayaa kasoo baxdo, sidoo kale waxaa keena dhaxal qofka inuu ka dhaxlo waalidkiisa ama adeeradiisa iyo abtiyaashiisa, sidoo kale qofka marka uu ka jirado maqaarka madaxa waxaa dhacdo mararka qaar nin timo ciro ay kasoo baxaan meelaha ka bukan, waxaa kaloo keena in jirka uu waayo vitamiinada qaar, sidoo kale waxyaalaha lagu qubeysto kiimikada ka samaysan sida saabuunta qaar iyo shaambada iyagana cirada way soo dedejiyaan.
Sidoo kale qofka marka uu weynaado isagana madaxiisa wuu cadaanaa cirrada ayaa kasoo yaacda.
Marka qofka marka uu yar yahay sidaada oo kale waa laga yaabaa inuu iska ilaaliyo inay cirada dhaqsi kusoo badato, waxaa la dhihi karaa waa daawada ka hortaga, marka hore inuu ku dadaalo cuntada nafaqada leh sida qudaarta, kalluunka, hilibka, caanaha, sidoo kale inuu iska ilaaliyo badsashada saabuunta iyo shaambada, sidoo kale inuu la dagaallamo walwalka iyo fekerka, qofka markay kusoo badato looma hayo daawo celin karta.
It is caused by many reasons, including a lot of thinking, when a person thinks about his gray head comes out, it is also caused by the inheritance of the person to inherit from his parents or uncles and nieces, also when a person is sick of the scalp sometimes there is a man whose gray hair comes out of the sick areas, It also causes the body to lose some vitamins, as well as chemical bathing agents such as soap and shampoo that accelerate the rash.
Also, when a person grows up, his head is white and his wrinkles will grow.
When a person is young like you, they may be careful not to overdose quickly, it can be said that it is a preventative medicine, first to strive for nutritious foods such as vegetables, fish, meat, milk, as well as to avoid the increase in soap and shampoo, as well as to fight anxiety and thinking, When a person is overwhelmed, there is no medication that can prevent it.