Amniga meesha uu diinta ka taagan yahay

Amniga waa wax aad u weyn oo ay fahmi karaan dadka waayay, haddii amni la waayo dadka waxay galayaan cadaab daran, waxay ku noolaanayaan nolol duureed, sida dugaagta oo kale ayay isku dilayaan qofba qofka uu ka awood abadan yahay ayuu dhacayaa.

Amniga meesha uu diinta ka taagan yahay
Amniga meesha uu diinta ka taagan yahay

Islaamka aad buu ugu dadaalay amniga iyo amaanka, waxaa kusoo aroortay nusuus fara badan oo ka hadlaysa qiimaha uu leeyahay amniga.

Nimcada amniga waxay ka mid tahay nimcooyinka uu Alle (caza wa jalla) ku galladaystay addoomihiisa, wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah (SW):

{لإِيلَافِ قُرَيْشٍ* إِيلَافِهِمْ رِحْلَةَ الشِّتَاءِ وَالصَّيْفِ * فَلْيَعْبُدُوا رَبَّ هَذَا الْبَيْتِ * الَّذِي أَطْعَمَهُمْ مِنْ جُوعٍ وَآَمَنَهُمْ مِنْ خَوْفٍ}،

(Caadaysigii Qureesh * ay ka caadayeesheen Safarka xagaaga iyo jilaalka darteed * ha u caabudeen Eebeha beydkan (Kacbada) * Eebahii ka quudiyay gaajo, kana aamingaliyay cabsi) wuxuu leeyahay (SW):

{أَوَلَمْ نُمَكِّنْ لَهُمْ حَرَمًا آَمِنًا يُجْبَى إِلَيْهِ ثَمَرَاتُ كُلِّ شَيْءٍ رِزْقًا مِنْ لَدُنَّا وَلَكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ}،

(Miyaanaan siinin xaram aamina oo la keeno midhaha wax kasta quudin darteed oo xagganaga ah, laakiin badankood ma oga), wuxuu leeyahay Alle:

{أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّا جَعَلْنَا حَرَمًا آَمِنًا وَيُتَخَطَّفُ النَّاسُ مِنْ حَوْلِهِمْ أَفَبِالْبَاطِلِ يُؤْمِنُونَ وَبِنِعْمَةِ الله يَكْفُرُونَ}،

(Miyeyna arkeyn gaaladii (Qureesheed) inaan yeelney (dajiney) xaram aamin ah oo la dafayo dadka dhinacyadooda ah, ma baadilbay rumeyn oo nicmada Eebe ka gaaloobi),

wuxuu leeyahay (caza wa jalla) :

{الَّذِينَ آمَنُوا وَلَمْ يَلْبِسُوا إِيمَانَهُم بِظُلْمٍ أُولَئِكَ لَهُمُ الأَمْنُ وَهُم مُّهْتَدُونَ}،

(Kuwa xaqa rumeeyay oon ku dheehin Iimaankooda dulmi (gaalimo) kuwaasaa nabadgalyo u sugnaatay iyagaana hanuunsan)

wuxuu laayahay nabigeena:

(مَنْ أَصْبَحَ مِنْكُمْ آمِنًا فِي سِرْبِهِ مُعَافًى فِي جَسَدِهِ عِنْدَهُ قُوتُ يَوْمِهِ فَكَأَنَّمَا حِيزَتْ لَهُ الدُّنْيَا بِحَذَافِيرِهَا).

(Qofkii ku bariyo dadkiisa asoo amaan qaba jirkiisana u fayow quudka maalintiisana haysta waa qof adduunyada oo dhan loo soo jamciyay).

wuxuu leeyahay (caza wa jalla) :

{وَأَحْسِنْ كَمَا أَحْسَنَ اللَّهُ إِلَيْكَ وَلَا تَبْغِ الْفَسَادَ فِي الْأَرْضِ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْمُفْسِدِينَ}،

(Samana fal sida Eebe kuugu samo falay hana la doonin fasaad dhulka, Eebe ma jecla fasaadiyaashee)
wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah (SW):

{مَثَلُ الَّذِينَ يُنْفِقُونَ أَمْوَالَهـُمْ فِي سَبِيلِ الله كَمَثَلِ حَبَّةٍ أَنْبَتَتْ سَبْعَ سَنَابِلَ فِي كُلِّ سُنْبُلَةٍ مِائَةُ حَبَّةٍ والله يُضَاعِفُ لِمَنْ يَشَاءُ والله وَاسِعٌ عَلِيمٌ}،

(kiiwa ku bixiya xoolahooda jidka Eebe waxay la mid yihiin xabbad (Masago ah) oo bixisay todobo sabuul, sabuul kastana bixiyay boqol xabbo Eebe waa u laab laabaa (Ajirka) cidduu doono Eebana waa deeq badane og),

wuxuu leeyahay Alle (jalla wa calaa):

{وَمَا تُنْفِقُوا مِنْ خَيْرٍ فَلِأَنْفُسِكُمْ وَمَا تُنْفِقُونَ إِلَّا ابْتِغَاءَ وَجْهِ الله وَمَا تُنْفِقُوا مِنْ خَيْرٍ يُوَفَّ إِلَيْكُمْ وَأَنْتُمْ لَا تُظْلَمُونَ}،

(Waxaad bixinaysaan oo khayr ah naftiinaa iska leh, umana bixisaan doonid waji Eebe mooyee, waxaad bixisaan oo khayr ahna waa laydiin oofin, idinkoon laydin dulmiyeyn).

Wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(مَنْ نَفَّسَ عَنْ مُؤْمِنٍ كُرْبَةً مِنْ كُرَبِ الدُّنْيَا، نَفَّسَ اللهُ عَنْهُ كُرْبَةً مِنْ كُرَبِ يَوْمِ الْقِيَامَةِ، وَمَنْ يَسَّرَ عَلَى مُعْسِرٍ يَسَّرَ اللهُ عَلَيْهِ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ، وَمَنْ سَتَرَ مُسْلِمًا سَتَرَهُ اللهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ، وَاللهُ فِي عَوْنِ الْعَبْدِ مَا كَانَ الْعَبْدُ فِي عَوْنِ أَخِيهِ)،

(Qofkii mu’min ka feyda kurbo ka mid ah kurbadaha adduunka Alle ayaa ka feydaya kurbo ka mid ah kurbadaha maalinta qiyaame, qofkii u fududeeya qof culays haysta Alle adduun iyo aakhiro ayuu u fududeynayaa, qofkii asturo qof muslin ah Alle adduun iyo aakhiro ayuu asturayaa, Alle wuxuu u gargaarayaa addoonka intuu addoonka u gargaarayo walaalkiisa).

Wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(لَا يَغْرِسُ الْمُسْلِمُ غَرْسًا، فَيَأْكُلَ مِنْهُ إِنْسَانٌ، وَلَا دَابَّةٌ، وَلَا طَيْرٌ، إِلَّا كَانَ لَهُ صَدَقَةً إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ)،

(Muslin ma tallaalayo tallaal oo uu ka cunayo shinbir ama aadane ama xoolo hadday dhacdo sadaqo ayay u noqonaysaa ilaa maalinta qiyaame)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More