Alle siduu dambiga uga cafiyo addoomaha iyo fudeydka diinta

Alle subxaanahu wataacaalaa wuxuu soo dejiyay diin sahlan oo qofka aan dhib ku ahayn taasna waxaa kusoo arooray aayado badan iyo axaadis badan

Alle siduu dambiga uga cafiyo addoomaha iyo fudeydka diinta
Alle siduu dambiga uga cafiyo addoomaha iyo fudeydka diinta

Alle wuxuu leeyahay – subxaanahu -:

(وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ مِّلَّةَ أَبِيكُمْ إِبْرَاهِيمَ هُوَ سَمَّاكُمُ الْمُسْلِمِينَ مِن قَبْلُ وَفِي هَذَا لِيَكُونَ الرَّسُولُ شَهِيدًا عَلَيْكُمْ وَتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ)

(Mana yeelin diinta dhib, waa diintii aabihiin Ibraahim, isagaana Idiinku magacaabay muslimiin horay iyo Quraankan si rasuulku marag korkiina ugu noqdo, idinkuna aad marag u ahaataan dadka),

wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – :

(إِنَّ الدِّينَ يُسْرٌ وَلَنْ يُشَادَّ الدِّينَ أَحَدٌ إِلاَّ غَلَبَهُ، فَسَدِّدُوا وَقَارِبُوا وَأَبْشِرُوا ، وَاسْتَعِينُوا بِالْغَدْوَةِ وَالرَّوْحَةِ وَشَيْءٍ مِنَ الدُّلْجَةِ)

(Diinka wuu fudud yahay, qof iskuma adkeeyo haddii kale wuu ka adkaanayaa, toosiya dhexdhexeysta bishaareysta, kaalmeysta arootii iyo galabtii iyo qeyb ka mid ah dheelmashada)

Wuxuu yiri Alle:

(يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ)

(Wuxuu idinla doonayaa Alle fudayd ee idin lama doonayo culays), wuxuu leeyahay Alle:

(يُرِيدُ اللَّهُ أَنْ يُخَفِّفَ عَنْكُمْ وَخُلِقَ الْإِنْسَانُ ضَعِيفًا)

(Wuxuu doonayaa Alle inuu idinka fududeeyo, waxaase la abuuray aadanaha isagoo tabar yar)

wuxuu leeyahay Alle:

(لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا)

(Alle kuma kalifo naf waxayna karin)

wuxuu leeyahay – subxaanahu -:

(قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنْفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِنْ رَحْمَةِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ)

(Dheh (Nabiyow) addoomadayda ku xadgudbay naftoodow ha ka quusanina naxariista Alle, Ilaahay ayaa dhaafa danbiyada dhamaantooda, waana dambi dhaafbadane oo naxariis badane ah), wuxuu leeyahay:

(وَرَبُّكَ الْغَفُورُ ذُو الرَّحْمَةِ)

(Rabigaaga waa dambi dhaafe naxariis leh), wuxuu leeyahay Alle:

(إِلَّا الَّذِينَ تَابُوا وَأَصْلَحُوا وَبَيَّنُوا فَأُولئِكَ أَتُوبُ عَلَيْهِمْ وَأَنَا التَّوَّابُ الرَّحِيمُ)

(Marka laga reebo kuwa toobad keenay oo wanaagga falay oo xaqa caddeeyay, kuwaas waan ka toobad aqbalaa, waxaanna ahay toobad aqbal badane naxariis badan)

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إِنَّ اللهَ لَمْ يَبْعَثْنِي مُعَنِّتًا ولا مُتَعَنِّتًا، وَلَكِنْ بَعَثَنِي مُعَلِّمًا مُيَسِّرًا) .

(Ilaahay ima soo dirin anoo ad’adkaynaya ama is ad’adkaynaya laakin wuxuu isoo diray anoo macallin ah oona fududeynaya)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More