Aayadaha ka digay meelaha halista ah

Diinta islaamka waa diin xaq ah, qofkii Ilaahay xaqqaas tusiyo kuma habboona inuu maskaxda iska wasakheeyo, meelaha diinta lagu aflagaadeeyo ma aha qofka inuu ku sugnaado, haddii aad meel joogto oo lagu caaynayo diinta iyo wixii diinta ku saabsan waa inaad reebtaa haddaad awoooddo haddii aadan awoodin waa inaad ka dheeraataa meesha.

Aayadaha ka digay meelaha halista ah
Aayadaha ka digay meelaha halista ah

Waxaa nagu habboon dhammaanteena inaan ka digtonaano inaan la saaxiibno dadka xunxun iyo inaanan dhexgalin, wuxuu leeyahay Alle -subxaanahu wataacaalaa-:

{وَقَدْ نَزَّلَ عَلَيْكُمْ فِي الْكِتَابِ أَنْ إِذَا سَمِعْتُمْ آيَاتِ اللَّهِ يُكْفَرُ بِهَا وَيُسْتَهْزَأُ بِهَا فَلَا تَقْعُدُوا مَعَهُمْ حَتَّى يَخُوضُوا فِي حَدِيثٍ غَيْرِهِ إِنَّكُمْ إِذًا مِثْلُهُمْ إِنَّ اللَّهَ جَامِعُ الْمُنَافِقِينَ وَالْكَافِرِينَ فِي جَهَنَّمَ جَمِيعًا}

(Wuxuuna idiin ku soo dejiyay korkiinna Kitaabka dhexdiisa haddaad maqashaan Aayaadka Alle oo laga gaaloobi ama lagu jees jeesi ha fariisanina agtooda intay ka dhumbadaan hadal kale, waxaad noqonaysaan iyaga oo kale, Allana wuxuu ku kulmin Munaafiqiinta iyo Gaalada Jahannamo dhammaan), wuxuu leeyahay Alle:

{وَإِذَا رَأَيْتَ الَّذِينَ يَخُوضُونَ فِي آيَاتِنَا فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ حَتَّى يَخُوضُوا فِي حَدِيثٍ غَيْرِهِ وَإِمَّا يُنْسِيَنَّكَ الشَّيْطَانُ فَلَا تَقْعُدْ بَعْدَ الذِّكْرَى مَعَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ}

(Markaad aragto kuwa dhumban aayaadkanaga, isaga Jeedso intay ka dhumbadaan sheeko kale, haddduu ku Halmaansiiyo Shaydaanna ha Fadhiyin Xusuusta kadib daalimiinta agtooda)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More