Aayadaha iyo axaadiista oo geerida toos u caddeeyay

Aayadaha iyo axaadiista oo geerida toos u caddeeyay

Su’aasha:

Asalamu Aleikum Walal Waxan Rabey Muwduuc ku sabsan Geerida OO Qoraal Ah Ayado Iyo Axaadith Tooda Watan Adban baan ujeclaan lahaa Inaad Mowduucas oo fahfahsan Iso Qortid Waiga Codsi Walaltinimo Shukran Ilahay SWT haku xifdiyo🙏🏽

Aayadaha iyo axaadiista oo geerida toos u caddeeyay
Aayadaha iyo axaadiista oo geerida toos u caddeeyay

Jawaabta:

Walaal geerida ama dhimashada waa xaq, noole kaste wuu dhadhaminayaa, diinta islaamka in badan ayay ka hadashay nusuus badan ayaa kusoo aroortay oo ka kooban aayado iyo axaadiis oo aan halkan lagusoo koobi karin, sidoo kale culimada aad bay uga hadleen mowdka ama geerida, waxaan kuu keenayaa qeyb ka mid ah nusuustaas, wuxuu yiri Alle (SW):

(كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۖ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ ۗ وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ)

(Naf kasta waxay Dhadhamin Geeri, waxaa uun laydiin Oofin Ajrigiinna Maalinta Qiyaame, Ruuxiise laga iilo Narta oo la galiyo Janada wuu Liibaanay, Nolosha Adduuna ma aha waxaan Raaxo kado ahayn).

(كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَنَبْلُوكُم بِالشَّرِّ وَالْخَيْرِ فِتْنَةً ۖ وَإِلَيْنَا تُرْجَعُونَ ‎)

(Naf kastaa waxay dhadhamin Geeri waxaana idinku Imtixaami Shar iyo Khayr Ibtilo darteed, xagganagaana laydiin soo Celin).

(كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۖ ثُمَّ إِلَيْنَا تُرْجَعُونَ)

(Naf kastaa waxay dhadhamin Geerida xaggaygaana laydiin soo celin markaas).

Sidoo kale geerida iyo nolosha waa abuurka Alle waana imtaxaan xaggiisa ka yimid wuxuu yiri Alle:

(تَبَارَكَ الَّذِي بِيَدِهِ الْمُلْكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ ‎* الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْغَفُورُ)

(Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Eebaha Xukunku awooddiisa ku jiro ee wax walbana kara * Eebaha abuuray geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna Camal fiican, Eebana waa adkaade dambidhaafe ah).

Sidoo kale qofka ma dhimanayo asoon waqtigiisa dhamaanin wuxuu yiri Alle:

(وَمَا كَانَ لِنَفْسٍ أَن تَمُوتَ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ كِتَابًا مُّؤَجَّلًا ۗ وَمَن يُرِدْ ثَوَابَ الدُّنْيَا نُؤْتِهِ مِنْهَا وَمَن يُرِدْ ثَوَابَ الْآخِرَةِ نُؤْتِهِ مِنْهَا ۚ وَسَنَجْزِي الشَّاكِرِينَ ‎)

(Nafna ma aha tii Dhimata Idanka Eebe la’aantiis waa Kitaab Muddeysan, Ruuxii Doona Abaalka Adduunyo waxbaan ka siineynaa, ruuxii doona Abaalka Aakhirana Waxbaan Ka Siinaa, Waxaana Abaal marin kuwa Shukriya).

Qofka mana oga meesha uu ku dhimanayo wuxuu yiri Alle(SW):

(إِنَّ اللَّهَ عِندَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ الْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًا ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ)

(Eebe agtiisuu yahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame) iyo Roob di’iddu, wuxuuna ogyahay waxa makaanka (Ilma galeenka) ku sugan, nafna ma oga waxay mudan Barri, Nafna ma oga Dhulkay ku dhiman, Eebaa og xeelna dheer).

Marka qofka muslinka waxaa laga rabaa inuu xusuusnaado geerida mar walba, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(أَكثروا ذِكرَ هاذمِ اللَّذَّات يعني الموتَ) التخريج

(Badiya xusuusta midka jaraya waxyaalaha raaxada leh, wuxuu ula jeeedaa geerida)

Tirmithi ayaa wariyay waana saxiix

Iyadoo sidaas ay tahay qof lama oggola geerida inuu tamaniyo wuxuu naga reebay rasuulka (SCW): arrintaas wuxuuna yiri:

(ولا يَتَمَنَّيَنَّ أحَدُكُمُ المَوْتَ: إمَّا مُحْسِنًا، فَلَعَلَّهُ أنْ يَزْدادَ خَيْرًا، وإمَّا مُسِيئًا، فَلَعَلَّهُ أنْ يَسْتَعْتِبَ).

(Yuuna tamaninin midkiina geerida: hadduu yahay samafale waxaa laga yaabaa inuu khayrka badsado, hadduu yahay xumaanfale waxaa laga yaabaa inuu cudurdaar dalbado).

Bukhaari ayaa wariyay.

Waxaa kaloo jira hurdada inay tahay geeri yar sida quraanka sheegay, wuxuu yiri Alle (SW):

(للَّهُ يَتَوَفَّى الْأَنفُسَ حِينَ مَوْتِهَا وَالَّتِي لَمْ تَمُتْ فِي مَنَامِهَا ۖ فَيُمْسِكُ الَّتِي قَضَىٰ عَلَيْهَا الْمَوْتَ وَيُرْسِلُ الْأُخْرَىٰ إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ)

(Eebaa oofsada nafta markay dhiman iyo tii aan dhimanin ee hurudday, wuxuna hayn tuu geerida ku xukumay wuxuuna sii deyn tii kale tan iyo muddo magacaaban, arrintaasna aayaado (Calaamooyin) yaa ugu sugan ciddii fikireysa).

(وَهُوَ الَّذِي يَتَوَفَّاكُم بِاللَّيْلِ وَيَعْلَمُ مَا جَرَحْتُم بِالنَّهَارِ ثُمَّ يَبْعَثُكُمْ فِيهِ لِيُقْضَىٰ أَجَلٌ مُّسَمًّى ۖ ثُمَّ إِلَيْهِ مَرْجِعُكُمْ ثُمَّ يُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ)

(Eebe waa kan idin Oofsada Habeenkii ogna waxaad Fashaan Maalintii Markaasna idin soo Bixiya in la Xukumo Ajal Magacaaban Xaggiisaana laydiin Celin, markaasuu idiinka warami waxaad Falaysaan).

 

Aayadaha iyo axaadiista iyo gabayada qiimaha waqtiga kusoo arooray

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More