Aayadaha iyo axaadiista kusoo arooray imtaxaanka aadanaha
Aayadaha iyo axaadiista kusoo arooray imtaxaanka aadanaha
Adduunka waa daarta imtaxaanka qof kaste waa la imtaxaanayaa, qof imtaxaan ka fakanaya ma jiro, laakin qofka mu’minka ah wuu og yahay imtaxaankaas inuu yahay imtaxaan xagga Alle ka yimid mar kastana diyaar ayuu yahay inuu Alle ku shugriyo.
Quraanka kariimka iyo axaadiista nabiga (SCW) ayay uga hadleen aadanaha siduu yahay marka uu helo nimco ama marka ay balo qabsato.
Nusuus badan ayaa kusoo aroortay arintaas.
Xaaladaha farajka iyo dhibaatada
Mahad Allaa iska leh , Allaha Caalamka oo kitaabkiisa Kariimka ku yiri:
“وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكُمْ لَئِنْ شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ”،
(markuu Eebihiin ogaysiiyey haddaad shugridaan waan idiin kordhin,)
wuxuu leeyahay Alle:
(فَإِنَّ مَعَ العُسْرِ يُسْرًا * إِنَّ مَعَ العُسْرِ يُسْرًا)
(Cidhiidhina waxaa la socda fudeyd (faraj). * Cidhiidhina waxaa la socda fudeyd)
Haddii ay arrinta ciriiri noqoto way fududaanaysaa, culeysna kama adkaan karo labo fudeyd, dhibaatadana kama dambeeyo waxan faraj ahayn, culeysna kama dambeeyo waxan fudeyd ahayn, wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):
“وإن الْفَرَجَ مع الْكَرْبِ، وَإِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا”.
(Farajka wuxuu la socdaa kurbada, culeyskana fudeyd baa la socda)
waa kanaa sayidkeena Yacquub (nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu waynayaa ilmihiisa midka uu ugu jeclaa sayidkeena Yuusuf (nabadgalyo korkiisa ha ahaatee), kaddib wiilkiisa labaad ayuu waynayaa sanado kaddib, ilaa uu araggiisa ka waayo oohinta iyo murugta daran awgeed markuu ilmihiisa waayay.
“وَابْيَضَّتْ عَيْنَاهُ مِنَ الْحُزْنِ فَهُوَ كَظِيمٌ”
(waxayna la caddaadeen indhihiisu Walbahaar wuxuuna noqday mid aad u tiiraanyeysan)
Laakin rajo la’aan kuma dhicin, wuxuu yiri siduu quraanka kariimka sheegay asoo isaga ka soo guurinayo:
“يا بَنِيَّ اذْهَبُوا فَتَحَسَّسُوا مِنْ يُوسُفَ وَأَخِيهِ وَلا تَيْأَسُوا مِنْ رَوْحِ اللَّهِ إِنَّهُ لا يَيْأَسُ مِنْ رَوْحِ اللَّهِ إِلاَّ الْقَوْمُ الْكافِرُونَ”
(Wilashayow taga oo soo daydaya (Warkii) Yuusuf iyo Walaalkiis hana ka quusanina naxariista Eebe (Farajkiisa) kama quusto farajka Eebe qoom gaala ah mooyee)
Faraj ayaa uga imaanaya xagga Alle dhibaatada iyo imtaxaanka kaddib Alle wuxuu usoo celinayaa araggiisa iyo ilmihiisa wuxuu leeyahay Alle:
“فَلَمَّا أَنْ جَاءَ الْبَشِيرُ أَلْقَاهُ عَلَى وَجْهِهِ فَارْتَدَّ بَصِيرًا قَالَ أَلَمْ أَقُلْ لَكُمْ إِنِّي أَعْلَمُ مِنَ اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ”.
(markuu yimid kii bishaaraynayey wuxuu ku tuuray (Qamiiskii) Wajiigiisa wuxuuna noqday mid wax arka, wuxuuna yidhi miyaanan idinku dhihin anugu waxaan ka ogahay xagga Eebe waxaydaan ogayn)
Alle wuxuu ka badbaadiyay nabigiisa Yuunis (nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) mugdiyada badda iyo habeenka iyo caloosha nibiriga culeyska wuxuu isu rogay fudeyd, ciriirigana faraj, wuxuu leeyahay Alle:
“وَذَا النُّونِ إِذْ ذَهَبَ مُغَاضِبًا فَظَنَّ أَلَّن نَّقْدِرَ عَلَيْهِ فَنَادَى فِي الظُّلُمَاتِ أَنْ لَا إِللَهَ إِلَّا أَنْتَ سُبْحَانَكَ إِنِّي كُنْتُ مِنَ الظَّالِمِينَ* فَاسْتَجَبْنَا لَهُ وَنَجَّيْنَاهُ مِنَ الْغَمِّ وَكَذَلِكَ نُنْججِي الْمُؤْمِنِينَ”
(Nabi Yuunus (Xusuuso) markuu tagay isagoo caraysan una maleeyay inaanan ciriiriyayn korkiisa oo uu ku dhawaaqay mugdiyada dhexdooda Ilaah aan adi ahayn ma jiro nasahnaantaada anigu waxaan ka mid ahaa kuwa daalimiinta ah * Waana ajiibnay kana korinay murugtii, saasaana u korinaa mu’miniinta)
Wuxuu ku arsaaqayaa Alle sayidkeena Zakariya (nabadgalyo korkiisa ha haatee) wiil markuu da’ gaaray ducadiisa ayuu ajiibay markuu baryay.
“قَالَ رَبِّ هَبْ لِي مِنْ لَدُنْكَ ذُرِّيَّةً طَيِّبَةً إِنَّكَ سَمِيعُ الدُّعَاءِ * فَنَادَتْهُ الْمَلَائِكَةُ وَهُوَ قَائِمٌ يُصَلِّي فِي الْمِحْرَابِ أَنَّ اللَّهَ يُبَشِّرُكَ بِيَحْيَى مُصَدِّقًا بِكَلِمَةٍ مِنَ اللَّهِ وَسَيِّدًا وَحَصُورًا وَنَبِيًّا مِنَ الصَّالِحِينَ”.
(wuxuu yiri Eebow iga sii agtaada Farac wanaagsan adaa Maqla (ajiiba) Ducadee * Waxaana u dhawaaqday Malaa’igtii isagoo taagan oo ku Tukan Mixraabka Eebe wuxuu kuugu Bishaarayn Yaxye isagoo rumeyn Kalimada Eebe (Ciise) Sayidna ah Dhawrsoonna, Nabina ah, ka mid ah kuwa wanaagsan)
wuxuu leeyahay Alle:
“وَمَنْ يَتَّقِ اللَّهَ يَجْعَلْ لَهُ مَخْرَجًا * وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ وَمَنْ يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ إِنَّ اللَّهَ بَالِغُ أَمْرِهِ قَدْ جَعَلَ اللَّهُ لِكُلِّ شَيْءٍ قَدْرًا”،
(ruuxii Eebe ka dhawrsadana wuxuu u furi faraj * Wuxuuna ka irsaaqi meel uusan ka filanayn, ruuxii Eebe tala saartana waa ku filan yahay, Eebana amarkiisu waa fuli, (waxna kama fakado) wax walbana Eebe wuxuu u yeelay waqti sugan (oo go’an).)
Wuxuu leeyahay:
“أَمَّن يُجِيبُ الْمُضْطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكْشِفُ السُّوءَ وَيَجْعَلُكُمْ خُلَفَاءَ الْأَرْضِ أَإِلَهٌ مَّعَ اللَّهِ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ”،
(Mise Eebaha Aqbala midka Dhibban markuu Baryo oo Fayda Xumaanta (Dhibka) idinkana Yeeli kuwa Dhulka u Hadhi (Iska Baddala), ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Yaraa Intaad wax Xusuusanaysaan.)
Wuxuu ahaa nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) mid ku ducaysto kalmadahan xilliga kurbada:
(لا إلهَ إلا اللهُ العظيمُ الحليمُ، لا إلهَ إلا اللهُ ربُّ العرشِ العظيمِ، لا إلهَ إلا اللهُ ربُّ السماواتِ وربُّ الأرض رب العرشِ الكريمِ)،
(Ilaah kale ma jiro Alle mooyee oo ah mid weyn oo dulqaad badan, ilaah kale ma jiro Alle mooyee oo ah rabiga carshiga weyn, ilaah kale ma jiro Alle mooyee oo ah rabiga samadaha iyo rabiga dhulka iyo rabiga carshiga sharafta leh)
Wuxuu oran jiray:
(من أصابَهُ همٌّ أو غمٌّ أو سقَمٌ أو شدَّةٌ فقالَ : اللهُ ربِّي لا شريكَ لهُ . كُشِفَ ذلِكَ عنهُ).
(Qofkii murug ku dhacdo ama walbahaar ama cudur ama dhibaato oo yiraahdo: Alle waa rabigayga qof wax la wadaago ma laha, taas waa laga feydayaa)
Wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):
“تَعرَّفْ إلى اللهِ في الرخاءِ يعرفُك في الشدَّةِ”،
(garo Alle waqtiga barwaaqada wuxuu u garanayaa waqtiga dhibaatada).
wuxuu leeyahay sayidkeena Abuu addardaa (Alle raalli haka noqdee):
(ادع الله يوم سرَّائك يستجب لك يوم ضرَّائك)
(Alle baryi maalinta barwaaqadaada wuu kuu ajiibayaa maalinta dhibkaaga)
wuxuu leeyahay Alle asoo tilmaamaya dabciga aadanaha:
: “وَإِذَا مَسَّ الإِنْسَانَ ضُرٌّ دَعَا رَبَّهُ مُنِيبًا إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَا خَوَّلَهُ نِعْمَةً مِنْهُ نَسِيَ مَا كَانَ يَدْعُو إِلَيْهِ مِنْ قَبْلُ وَجَعَلَ لِلَّهِ أَنْدَادًا لِيُضِلَّ عَنْ سَبِيلِهِ”،
(Markuu aadanaha taabto dhib wuxuu baryaa Eebihiis isagoo u noqon, markuuse Nicmo siiyo wuu illoobaa wuxuu baryey horey, wuxuuna u yeelaa Eebe shariigyo si uu uga baadiyeeyo (kaasi) jidka Eebe,)
wuxuu leeyahay:
وَإِذَا مَسَّ النَّاسَ ضُرٌّ دَعَوْا رَبَّهُمْ مُنِيبِينَ إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَا أَذَاقَهُمْ مِنْهُ رَحْمَةً إِذَا فَرِيقٌ مِنْهُمْ بِرَبِّهِمْ يُشْرِكُونَ”،
(hadduu Dadka taabto dhib waxay baryaan Eebahood iyagoo u noqon, markuuse dhadhansiiyo naxariis qayb iyaga ka mid ah waxay wax lawadaaijyaan Eebahood.)
wuxuu leeyahay (SW):
“وَإِذَا مَسَّكُمُ الضُّرُّ فِي الْبَحْرِ ضَلَّ مَنْ تَدْعُونَ إِلَّا إِيَّاهُ فَلَمَّا نَجَّاكُمْ إِلَى الْبَرِّ أَعْرَضْتُمْ وَكَانَ الْإِنْسَانُ كَفُورًا”،
(markuu idinku taabto badda dhibna wuu dhumaa waxaad baryeyseen Eebe mooyee, markuu idiin soo koriyo Barrigana waad jeedsataan aadanahana waa Gaalnimo badane)
Wuxuu leeyahay (SW):
“وَإِذَا مَسَّ الإِنْسَانَ الضُّرُّ دَعَانَا لِجَنْبِهِ أَوْ قَاعِدًا أَوْ قَائِمًا فَلَمَّا كَشَفْنَا عَنْهُ ضُرَّهُ مَرَّ كَأَن لَّمْ يَدْعُنَا إِلَى ضُرٍّ مَّسَّهُ كَذَلِكَ زُيِّنَ لِلْمُسْرِفِينَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ”،
(Markuu Taabto aadanaha dhib wuu Na baryayaa isagoo Jiifa, ama Fadhiya ama Taagan, markaan ka faydno Dhibkana wuu iska Socdaa sidii isagoon Na baryinba Dhibkii Taabtay, Saasaa loogu Qurxiyey Xadgudbayaasha waxay Falayeen)
Wuxuu leeyahay:
“قُلْ مَن يُنَجِّيكُم مِّن ظُلُمَاتِ الْبَرِّ وَالْبَحْرِ تَدْعُونَهُ تَضَرُّعًا وَخُفْيَةً لَّئِنْ أَنجَانَا مِنْ هَذِهِ لَنَكُونَنَّ مِنَ الشَّاكِرِينَ”،
(Waxaad Dhahdaa Yaa idinka koriya Mugdiga Barriga iyo Badda ood u Baridaan Isdullayn iyo Qarsoodi, Idinkoo dhihi Hadduu naga koriyo Tan waxaan ka mid Noqonaynaa kuwa Mahadiya)
wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):
“مَنْ سَرَّهُ أَنْ يَسْتَجِيبَ اللهُ لَهُ عِنْدَ الشَّدَائِدِ وَالكَرْبِ، فَلْيُكْثِر الدُّعَاءَ فِي الرَّخَاءِ”،
(Qofkii ay faraxadgalinayso inuu Alle ka ajiibo xilliga dhibaatada iyo kurbada ha badiyo ducada xilliga barwaaqada)
Aayadaha iyo axaadiista aan soo sheegnay si fiican ayay u tilmaamayaan qofka muslinka iyo qofka gaalka farqiga u dhexeeyo marka ay nimco helaan ama uu dhib qabsado.