Aabahayga xaaskiisa ayaan ka sinaystay ila taliya

Aabahayga xaaskiisa ayaan ka sinaystay ila taliya

Su’aasha:

Waxan ahay qof dhiln yar ah oo qalad weyn galay aanan ka hurdi karin qof aan u sheeganayo garan mayo sheekada waxay tahay waxan la deganaa aabahay iyo xaaskisa aabahayga wuxuu guursaday maray hooyadayda dhimatay kadib, waxaa ila dhashay walaalo gabdho ah iyagana way wada guursadeen aniga iyo aabahayga iyo xaaskiisa cusub ayaa guriga kusoo haray, aabahayga wuxuu jiray 56 sano gabadha uu guursadayna waxay jirtay 23 sano, aniga xaaska aabahayga caadi ayay ila dhaqmi jirtay wax dhib managa dhexaynin, laakin marka dambe waxay ka dareemaynin inay naxariis saaid ah igula dhaqmayso sidii hooyadayda oo kale anaaana ka weynaa, aabahayga ayaa aaday safar gaaban dhowr maalin ah xaaskiisana way diiday inay raacdo, aniga iyo iyada ayaa guriga kusoo haray, waxay bilowday dhar khafiif iyadoo xiran inay isoo dhinac fariisato jirkayga iskama ilaalinayso dareenka ayaa i kacay wasay rabtay iyada waxaan arkay anoo sariirta qolka kula jiroo la raaxaysanyo oo sino ku dhacay  naxdin, marka aan dhamaysanay naxdin ayaa igu taagantay, waayo naag la qabo ayaan wasay oo waliba aabahay qabo.

Naxdin daran ayaan naxay aabahayga marka uusoo laabtay wajigiisa waan fiirin kari waayay xishood iyo yaxyax dartii falka aan sameeyay ayaa maskaxda iga waalay, xaaskiisana caadi ayay la tahay wax ah lagama dareemayo, wejigeeda wax murug ah kama muuqanin waxaan is iri wasay rabtay falkan inuu dhaco,  aniga guriga ayaan kasoo guuray meel kale ayaan degay aabahayga mudo kaddib wuxuu iisoo bandhigay inaan guursado oo aan isla degno talo ayaan idinka rabaa maxaan sameeyaa ila taliya???

 

Aabahayga xaaskiisa ayaan ka sinaystay ila taliya
Aabahayga xaaskiisa ayaan ka sinaystay ila taliya

 

Jawaabta:

Dhab ahaantii falka aad samaysay aad buu xun yahay waa sino dambi weyn ka dhalanayo oo ka daran sinada dumarka kale, ninka marka uu sinada u dhowaado wuu ku dhacaa Alle  wuxuu amray inaan sinada loo dhowaanin taas xigmadda ku jirta waxay tahay marka qofka uu ka fog yahay ayuu iska ilaalin karaa, wuxuu yiri:

(وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا ۖ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا)  الإسراء (32)

(Ha u dhowaanina sinada maxaayeelay waa faaxisho waddo ahaanna way xun tahay)

وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا ۖ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا
وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا ۖ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا

adiga waxaa waajib kugu ahaa inaadan la fariisanin kaligaaga inta aabbahaaga uu maqan yahay bannaanka inaad aaddo, marka aad guriga kusoo laabatana inaadan jaanis siinin, waayo naagaha aad ayay u sir badan yihiin iyagoo raba xumaanta si xaylad ayay kugu ridayaan, kacsiga ninka wuxuu ka tagsiiyaa dareenka caqliga ma fahmi karo waxa uu qabanayo marka uu sinada ku dhaco ayuu maankiisa helaa. sidaa waxaa la yiri dumarka waa xarkaha shaydaanka.

Marka laga hadlo dambiga waxaa waajib kugu ah inaad ka towbad keento Ilaahay dambe kaste waa dhaafaa haddii laga towbad keeno, naxariistiisa way ballaaran tahay, laakin waxaa lagaa rabaa inaad ka fogaato falkan oo aadan u dhowaanin naagtaas, waxaaba laga yaabaa inay ku qanacsan tahay falka idin dhexmaray oo mar kale ayaa laga yaabaa inay kugu riddo.

Waayo jidka mar hadduu u furmay wax ay ka baqayso lama arko, naagaha la qabo wayba ka dhiiran yihiin gabdhaha bikrada ah oo aan wali guur soo marin. waxaa jira haween la qabo haddana rag kale shukaansanaya, shukaansiga sheydaanka u quruxiyay gogoldhaaf ayuu u keenayaa marka gadaal loo sii raaco.
Teeda kale ninka marka uu weynaado oo uu yahay qof aan qancin karin xaaskiisa ma aha inuu guursado gabar aad uga yar, waayo naagta marka ay yar tahay kacsi dheeraad ayay leedahay oo ku habboon nin iyada la fac ah, raga waaweyn oo guurasada gabdhah yaryar khaladaadkaas oo kale ayay kala kulmaan waxaaba laga yaabaa nin kale inay la tumato oo uurka ay isaga u saarto.

Sinada maxaarimta aad bay usoo badatay sinada maxaarimta waxaa laga wadaa ninka inuu ka sinayso naag maxram ka ah sida hooyadiisa walaashiisa eedadiisa habaryartiisa gabadhiisa, inakstoo falkan uuna ku dhicin qof nadiif ah oo ay aad u adag tahay dhaqan ahaan, intaan diinta la gaarin haddana waxaa loo baahan yahay qofka inuu xuduudda ilaaliyo.

Waxaad arkaysa qisooyin iyo sheekooyin arimahan inaysoo bateen oo sheegaya dhacdooyinka galmada qaraabada, siiba gaalada iyo dadka diinta ka fogaaday, sidoo kale dhaqamada xunxun oo aduunka ku faafsan filimada xumaanta faafiya oo la keenayo nin fuulay naag qaraabadiisa ah, waxaas oo dhan waxay faafiyaan xumaanta sinada qaraabada ama maxaarimta.
Gaalada waxaad maqlaysaa naag la tumatay wiilkeeda ama adeerkeeda ama walalkeeda ama aabaheeda, waliba naagaha la qabo aad ayay ugu dhacaan sinada marka la joogo bulshookinka aan muslinka ahayn, naagta la qabo inta badan waxay isu aragtaa inay wax walba qarin karto, la mid ma aha gabadha  aan la qabin ama garoobta doobka ah,, waayo haduu uur soo baxo uurkaas si toos ayay ninkeeda ugu saarinaysaa iyadoo og uurkaas inuu ku yimid wasmo xaaraan ah, bulshada gaalada dumarka laqabo ayaa ugu daran xaga dhilaysiga.

Waa sheeko yaab leh oo laga naxo runtii aabe xaaskiisa qof u tagay oo u kacsaday waa arrin laga naxo.

Diinta silaamka sinada waxay kala siisay heerar kala daran xadiiska kusoo arooray Bukhaari iyo Muslim oo laga wariyay ibnu mascuud.

 

عَنْ عَبْدِ اللهِ قَالَ: سَأَلْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَيُّ الذَّنْبِ أَعْظَمُ عِنْدَ اللهِ؟» قَالَ: «أَنْ تَجْعَلَ للهِ نِدًّا وَهُوَ خَلَقَكَ»، قُلْتُ: «إِنَّ ذَلِكَ لَعَظِيمٌ»، قُلْتُ: «ثُمَّ أَيُّ؟» قَالَ: «وَأَنْ تَقْتُلَ وَلَدَكَ تَخَافُ أَنْ يَطْعَمَ مَعَكَ»، قُلْتُ: «ثُمَّ أَيُّ؟» قَالَ: «أَنْ تُزَانِيَ حَلِيلَةَ جَارِكَ» [متَّفق عليه: أخرجه البخاري (٤٤٧٧)، ومسلم (٨٦)].

Waxaa laga wariyay ibnu Mascuud wuxuu yiri: waxaan weyddiiyay nabiga (SCW) “dambigee ugu weyn Alle agtiisa?” wuxuu yiri: “inaad Alle shirki u yeesho asoo ku abuuray”, waxaan iri: ” taas way weyn tahay” waxaan iri: “kaddib kee?” wuxuu yiri: ” inaad disho cunuggaaga adoo ka baqaya inuu wax kula cuno” waxaan iri: “haddana kee?” wuxuu yiri: ” inaad la sinaysato xaaska deriskaaga”.

 

Xadiiskaan in lala sinayso deriska xaaskiisa meesha uu geeyay waad u jeedda maxaad u malaynaysaa kan la sinaysanyo hooyadiisa ama walaashiisa ama eedadiisa ama habaryartiisa ama sodohdiisa?.

aad buu uga sii liitaa.

marka hala degin ka fogow naagtaas.

Waxaan Ahay Wiil 19 Jir Ah Sino Ayaan Ku Dhacay

Nin Dumaashidiisa Uureeyay Qiso Dhab Ah Cunuga Maxa Lagu Sameya

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More