Qaabka loogu dhawaaqo xarfaha OW afka Ingiriiska
Qaabka loogu dhawaaqo xarfaha OW afka Ingiriiska
Labada xaraf is dulsaaran oo ah “OW” afka ingiriiska waxaa loogu dhawaaqaa sidan: AAW, waa la jiidaa, dadka soomaaliyeed inta badan waxaa siraya qoraalka af soomaaliga way ku qaldamaan markay afka ingiriiska akhrinayaan, sida soomaaliga oo kale ayay ugu dhawaaqaan.
Jadwalkan ayaad ka arkaysaa tusaalooyin badan oo xarfahan aan soo sheegnay ku sugan iyagoo u tarjuman af carabi iyo af soomali.
Ereyo badan English ah ayaad arkaysaa kuwan la mid ah ka qiyaas qaado kuwan, qofka marka uu baranayo afka ingiriiska waa inuu iska illaawaa afka soomaaliga akhriskiisa hadduu isku dayo inuu isku si ugu dhawaaqo qaladaad badan ayuu galayaa.
English | Arabic | Somali |
frown | عبوس | weji-tubnaan/ cabuus |
blower | منفاخ | buufiye |
shower | دش | qudeys |
towel | منشفة | Sukumaal/ shukumaan |
clown | مهرج | Maaweeliye |
down | اسفل | hoos |
flower | زهرة | ubax |
brown | بني | maarrin |
town | مدينة | magaalo |
crown | تاج | taaj |
power | قوة | awood / xoog |
how | كيف | sidee / see |
now | الآن | hadda / hadeer / haatan / iminka |
Marka xarfaha ingiriiska CH oo loogu dhawaaqo K
Mareeg kuu ogolaanaysa in aad luuqada ku barato adiga oo la falgalaya dadka kale oo aad la sheekaysato,
intaas oo kaliya maaha ee waxa kale oo jira duruus badan oo waxbarasho oo kaa caawinaya fahamka luqadda,
helida erey-bixintiisa iyo in aad barato odhaahyada xaaladaha kala duwan.