Nadarka iyo waswaaska soonka kafaarada dhaarta

Su’aasha:

ASC waxaan dhageystay Soonka nadarka iyo sualihii aad kajawaten aniga waxaan ahay qof waswas qaba marka waxa igu so dhacday wax yala badan sida nadar gal inad hadad mar dambe dad xamato 100 soon ,sida hadi aan been sheego 50 sida hadi aan imtixaanka kabasto 70 soon aad ayan ula murugeysanahay
Sualaheyga wasidan
Soonka nadar afka in laga sheego ayuu ubaahantahay
2 hadi ruuxa wixii qalbigiisa kuso noqnoqda o go’aansado inu soomo mana awoodi karo waxas odhan muxuu sameeynaya
3. madama ay igu noqotay mid markan go’aansado inan sameyo mid kale aya igu ziyadeyso mala is dihii kara wa waswas on
4. Si aan waswaskan uga baxo kafarada dharta malawada iman kara tuusale mid kasta 3malin maka soomi kara madama markan isdaha waxaan wa waswas niyadeyda waxa so dhacdo adigoo soon fara badan lugugu leyahay intad ilahi hortago ama lugu Cadaaba walwal iyo murugo ayan la darsaay ina so duceyo barakallahu fiikum.

Nadarka iyo waswaaska soonka kafaarada dhaarta
Nadarka iyo waswaaska soonka kafaarada dhaarta

Jawaabta:

Adiga cudurka waswaaska ayaa ku haya, waxaas oo dhan qalbigaaga ka saar, waswaaska la dagaallan haddaadan waswaaska iska reebin diinta ayuu kaa saarayaa shaydaanka.

Haddii waxyaalaha aad sheegtay maskaxdaada kaliya ay ku jiraan maxaad u soomaysaa soonka kafaarada dhaarta.

Waxaa kugu habboon inaad waswaaska xoogga saarto oo aad Ilaahay ka magangasho.

Waswaaska sida laysaga reebo in badan ayaan ka hadalnay ka raadi webka Daruur qor khaanada raadista waswaas

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More