Haddaad guul rabto dadka xaasidka sidan u gal

Haddaad Guul Rabto Dadka Xaasidka Sidan U Gal

Waxaa la sheegay cunug yar inuu isaga lumiyay kobahiisa badda, xeebta ayuu ku qoray: “badda  waa tuug“.

Haddaad guul rabto dadka xaasidka sidan u gal
Haddaad guul rabto dadka xaasidka sidan u gal

Nin kaluumaysate ah oo badda ka ugaarsada maalin kaste ayaa isagana wuxuu ku qoray:  “xeebta badda  waa deeqsi“.
Nin badgal ah oo ka helay badda dhayman iyo luul isaga xeebta wuxuu ku qoray: “badda waa hodan“.

 

nin dhalin yar oo baddan ku dhintay ayaa hooyadiisa waxay xeebta ku qortay:  “badda  waa dilaa“.
Kaddib hir ayaa yimid wuxuu tiray dadkan oo dhan waxay qoreen.
Marka ha maqlin dadka waxa ay kaa sheegayaan, dadka way iska hadlaan hadalkoodana sidaas ayuu u tirtirmaa.
waligaaga  ku dadaal wixii wax u taraya  diintaada iyo adduunkaaga raadi.

Xaasidka waxaa looga badbaadi karaa oo ugu muhiimsan inaad suurada alfalaq akhrisato mar walba.

قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ ‎﴿١﴾‏ مِن شَرِّ مَا خَلَقَ ‎﴿٢﴾‏ وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ ‎﴿٣﴾‏ وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ ‎﴿٤﴾‏ وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ‎﴿٥﴾‏

Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magangalay Eebeha Subaxa (abuuray) * Wixii shar leh sharkiisa * Iyo Habeenka sharkiisa markuu madoobaado * Iyo sharka Sixirrowga wax ku tufa guntimaha * Iyo sharka Xaasidka wax Xasda.

Dadka aan la aamini karin halkan ka baro

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More