Dhalinyarada qaar soonka kacsi muxuu ugu kordhiyaa

Delicious food and its effect on young people

Soonka caadi ahaan waa inuu yareeyaa kacsiga, maxaayeelay kacsiga wuxuu xiriir la leeyahay nafaqada jirka soo galayso, qofka marka uu dhergo cuntada jirkiisa waxay isu rogaysaa vitamin iyo burtiin oo jirka shaqada loogu talaggalay ugu kaalmeyso siduu u gudan lahaa.

Dhalinyarada qaar soonka kacsi muxuu ugu kordhiyaa
Dhalinyarada qaar soonka kacsi muxuu ugu kordhiyaa

marka qofka uu soomo waxaa yaraanaysa shahwada iyo kacsiga qofka soonka dartiisa.

laakin dad badan ayaa su’aal i sweyddiiya dadka qaarkiisa soonka kacsiga kama jabiyo maxaa sabab u ah, waliba waxaa laga yaabaa inuu kacsigooda siyaado taas maxaa keenaya?

marka hore waxaad ogaataa inaysan shaki ku jirin soonka inuu yareeyo kacsiga laakin ma og tahay soonka waxa laga wado.

soonka kacsiga yareeya waa soonka dhabta ah qofka marka uu soomo xiliga afurka uuna cunto badan cunin, kaliya uu ku kaftoomo cuntada noloshiisa wax yar uu ku noolaan karo ama uu cuno cunto caadi ah oo aan lahayn nafaqo badan, ileen hadafka uu u soomaay inuu shahwada jabiyo ee ma aha inuu cunto isku aruuriyo.

teeda kale dadka sooma inta badan waxay cunaan marka afurka la gaaro cunto ka badan marka caadiga ah oo aan soon jirin, sidoo kale markaas ayay cunaan cuntooyinka vitamiinada leh, waxay  cabbaan cabitaannada ugu macaan badan oo sokor badan leh, macmacaanka waa kacsi kaliya, waxaa la sheegay bisha Ramadaan waa bisha aadka loo gato cuntada waa dunida muslinka oo dhan, marka haddii uu soonka sidan yahay lagama yaabo inuu qofka kacsigiisa jabo, ileen ma aha soonka la sheegay inuu kacsiga yareynayo midkan, waliba wuxuu maalinta oo dhan la cuni lahaa hal waqti ayuu isku daldalayaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More