Site icon Daruur درور

Xanjada kacsiga dumarka waa maxay ?

Xanjada kacsiga dumarka waa maxay ?

Su’aasha:

Waxaan maqlay xanjo ayaa jirta oo kacsi daran u kenta gabdhaha aan kacsanin, waxan maqlay xanjadaas waxaa laga helaa farmashiyaha hadaba xanjadaas maxay tahay dumarka cuna dhib miyay u keenaysaa xaga caafimaadka ? ma sax baa inay daawo u tahay dumarka aan dareenka lahayn ama dumarka fircooniga u gudan oon kacsanin fadlan jawab.

Xanjada kacsiga dumarka waa maxay ?
Xanjada kacsiga dumarka waa maxay ?

Xanjada kacsiga dumarka waa maxay ?

Jawaabta:

Xanjada kicisa dareenka haweenka waxaa la yiraahdaa “Spanish Fly” waa magaca caanka ah ay wadato daawadan.

Xanjadan dhab ahaantii aad bay uga digaan dhakhaatiirta, maxaayeelay waxaa laga sameeyay maaddo lagu magacaabo “Cantharidin” oo lagsoo qaaday noole ka mid ah noleyaasha buuba oo lagu magacaabo seynis ahaan:  “Lytta vesicatoria” midabkiisaba waa cagaar waxaa kaloo lagu magacaabaa   “Spanish Fly” oo daawadaas magaca rasmiga ay wadato noqday.

Lytta vesicatoria noolaha lagu magacaabo
Lytta vesicatoria noolaha lagu magacaabo

Maaddada oo noolahan lagasoo qaaday meesha ay gaarto way hurinaysa wayna soo bararinaysaa sida meel gubatay oo kale hambululuq ayay yeelanaysaa.
Dadka arrinkaas keenay waxay arkeen marka noolahan uu doonayo dheddigga inuu la galmoodo ayuu maadadan ku taabanayaa markaas ayay soo doonaysaa galmada.
Waxay ku tijaabiyeen dumarka waxay soo qaadeen dhibicyo ka mid ah maaddadan marka dumarka afka  lagaga tasliyay waxay dareemeen wax u eg kacsi taasoo ah cuncun oo u baahan in xubnaha taranka laga xoqo.

Laakin waa maaddo sun ah oo xataa u keenta geeri haweeneyda marka lagaga dhibciyo wax badan.

Marka luubaanta kacsiga aad baa loo faafiyaa waxaaba lagu magacaaba fiyaagaraha haweenka.

Farmashiyayaasha ma gadaan waxay ka baqaan in si xun loo adeegsado oo haweenka qaar loogu dhibciyo iyagoon ogeen cabitaanka. kaliya waxay ka iibiyaan dadka ay ku kalsoon yihiin.

Daawada Kacsiga Dumarka
Daawada Kacsiga Dumarka

Marka haddii ay tahay mid ka sameysan maadadada aan kuusoo caddeynay waa halis oo caafimaadka aan u fiicnayn.

Xanjada kacsiga ama daawada kacsiga haweenka oo ka sameysan maadadan aan kasoo hadalnay  aad bay ugu faafsan tahay dalalka qaarkooda, qaarna way ka mamnuuceen in la iibiyo ama la keeno.

Marka qofka waxaa ku haboon inuu ka fogaado waxyaalahaas caafimaadka dhib u keenaya intuu raaxo raadinayo.

Dumarka dareenkooda waxaaylo kale oo dabiici ah ayuu ku kacaa.

Sida jacaylka hadalka wanaagsan cuntada nafaqada leh siiba cuntada badda kalluunka iyo ukunta saliid seytuun iyo qaraha saliid macsarada sida looska oo kale.

Teeda kale daawadan dumar badan ayaa lagu siray sidaas daraaddeeda ayay xumaan ugu dhaceen inta shaah loogu daray ayaa xumaan lagu sameeyay.

 

Erectile dysfunction or women’s erectile dysfunction, which is made of this substance, is very widely spread in some countries, and some have banned it from being sold or imported.

When it is advisable for a person to avoid things that cause health problems while seeking comfort.

Women’s feelings are also natural.

Like the love of good words nutritious food remove seafood fish and eggs oil seytuun and peanut oil like a peanut.

On the other hand, many women were sedging this medicine, so they fell ill while tea was added to it.

Exit mobile version