Xadiithka oranayo kafaarada nadarka iyo kafarada dharta wa iskumid

Su’aasha:

ASC xadiithka oranayo kafaarada nadarka iyo kafarada dharta wa iskumid masaxba
Tuusale ruux aya nadar wuxuu ku galay hadu been sheego inu 100 malmood soomi doono mana awooda soonkas ta badalkeda khafarada dharta mala Iman kara waxaan rajaynayaa inaad jawaab faahfaahsan iga siin doonta Will saxibkey ah ayay heysata mahadsanid.

Xadiithka oranayo kafaarada nadarka iyo kafarada dharta wa iskumid
Xadiithka oranayo kafaarada nadarka iyo kafarada dharta wa iskumid

Jawaabta:

Marka hore xadiiska oranaya:

 

(كَفَّارَةُ النَّذْرِ كَفَّارَةُ اليَمِينِ)

(kafaarada nadarka waa kafaarada dhaarta)

Waa xadiis saxiix ah oo laga wariyay Cuqba bin Caamir (RC) waxaa ka wariyay Muslim iyo Addaxaawi xadiiskana waa saxiix.
Xadiiska waxaa laga wadaa qofka hadduu nadro wax uusan fulin karin ama xaaraan ah fulintiisa, waxaa korkiisa ah kafaarada dhaarta maxaayeelay nadarka waa dhaarta oo kale.

Marka qofka hadduu nadar ku galo hadduu been sheego inuu soomayo boqol maalmood wuxuu la imaanayaa kafaarada dhaarta, maxaayeelay 100 maalmood inuu soomo waa wax uusan awoodin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More