Xadiiska sheegay tobanka fidro xiiridda bisqinta miyuu waajibiyaa

Xadiiska sheegay tobanka fidro xiiridda bisqinta miyuu waajibiyaa

Su’aasha:

Asc xadiiska fitrada ka sheekeeyay oo ay kamid tahay xiiritanka bisqinta ma waajiba 40 days kabadan madambi ba mase runba in salada aan laga aqbalaynin midkale waswaska Aya iguso laba kacleyay wuxuuna igajura imtixaanka intabadan waxaan jeclahay inan guul kagaaro waxbarashada lakin markuu imtixaanka sodawaado waswaska n Aya igufurmay Hadi aan B+ helo imtixaanka sosocdo waxaan soomi 58 Malin markan waxaan goansaday inan dadalin si soonka usan iguwajibn lakin wayba kasiidareysa B plain ayuu ila aday hadana C+ hada waxaan goansaday inan ignore dhaho waxaan uarkay inuu shaydanka hormarkeyga kasohorjedo marka mku saxsanahay.

Xadiiska sheegay tobanka fidro xiiridda bisqinta miyuu waajibiyaa
Xadiiska sheegay tobanka fidro xiiridda bisqinta miyuu waajibiyaa

Jawaabta:

Xadiiska kusoo arooray tobanka fidrada waa kan, waana xadiis saxiix ah oo Muslim iyo culimo kale ay wariyeen, wuxuu yiri Rasuulka (SCW):

(عَشْرٌ من الفِطْرَةِ : قَصُّ الشارِبِ ، و إعْفاءُ اللِحيَةِ ، و السِّواكُ ، و اسْتِنْشاقُ الماءِ ، وقَصُّ الأظْفارِ ، و غَسْلُ البَراجِمِ ، و نَتْفُ الإبِطِ ، و حَلْقُ العانَةِ ، و انْتِقاصُ الماءِ)

(Toban fidrada ayay ka mid yihiin: jaridda shaarbaha, deynta garka, cadayga, sandaarsiga biyaha, jaridda ciddiyaha, dhaqidda laalaabka faraha, tifidda kilkisha, xiiridda shuunka (bisqinta), istinjada).  waxaa wariyay Muslim

Midda tobanaad raawiga wuu illaaway wuxuu u maleeyay inay tahay luqluqashada.

Arrimahan kusoo arooray xadiiska waxay la xiriiraan nadaafadda muslinka iyo dahaarada, marka qaar ka mid ah waa laysku khilaafay inay waajib yihiin laakin waxaa laysku raacay inay sunno yihiin markay ugu yar tahay.
Markaan usoo laabano xiiridda shuunka culimada qaar waxay dhaheen waa waajib in la xiiro qaarna sunno ayay dhaheen laakin qofkii aan xiirin lama dhihin salaadda lagama aqbalayo taas wax sal ah diinta kuma laha, kaliya waxaa laysku haystaa waajib waaye iyo waajib ma aha.

Shaki kama taagna qofka hadduu daayo shuunka in wasakh badan galayo taas waxay ka hor imaanaysaa dahaarada sidoo kale ciddiyaha hadduu daayo wuxuu noqonayaa sida dugaagta oo kale, marka heer noocaas ah haddii uu qofka geeyo waajib ayay ku noqonaysaa arrimahaan inuu fuliyo.

Teeda kale waswaaska shaydaanka dheg jalaq ha u siinin I laahay ka magangal shaydaanka hormar kuulama rabo wuxuu rabaa inuu noloshaada burburiyo  waswaaska waad ka gudbi doontaa.

Timaha dabada in la xiiro waajib miyaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More