Xaaskayga raga baraha bulshada ayaan ka celin la’ahay

Su’aasha:

Dhib ayaa i haysto xaaskayga waxan qabaa 12 sano ilmo ayay ii haysaa waxaan ka reebi la’ahay galitaanka baraha bulshada way ku waalan tahay waxan ku qabtay iyadoo niman kale la sheekaysanayo waxay igu tiri mar kale uma labanayo iyadoo sidaas ay tahay aniga kama gaabiyo jacayl iyo raaxo iyo istiin dhinac kaste waan u maray wa ka hari la’dahay maxaan sameeyaa ila taliya hadan furo waxan u baqayaa carurtayda inay dhib galaan oo familka aan kala daadiyo siden wax yeelaa?

Xaaskayga raga baraha bulshada ayaan ka celin la'ahay
Xaaskayga raga baraha bulshada ayaan ka celin la’ahay

Jawaabta:

Arrinta ku haysata waa musiibada casriga jirto dumarka waxay ku daateen baraha bulshada marka waxaa lagaa rabaa inaad waaniso oo aad hadal fiican kula hadasho oo aad waraysato baahida ay u qabto sheekada baraha bulshada, haddii ay ka hari weyso inaad ka yarayso lacagta iyo hadiyadaha aad siinayso kaliya inaad siiso biilka ccaruurta, xataa inaad isku daydo adiga inaad usoo iibiso caruurtaada waxay u baahan yihiin cunaqabteen ka saar internetka si ay u dareento inaad awooddo inaad ka reebi karto, haddii ay ka hari weydo hal dalaaq ku fur si ay u dareento inay dhab kaa tahay sheekada, kaddib soo celi intaysan ciddada dhamaanin, waxaa laga yaabaa inay is baddasho, waayo dumarka ilmahooda jecel furiinka aad bay uga baqaan, haddii aay xaaladdaas ku sugan tahay oo aysan rabin inay iska baddasho ilmahaada u tasho oo iska fogeey xaas kuuma noqon karto waxaadna u sheegtaa waalidkeeda si ay u ogaadaan inay gabadhooda gurigeeda dhaqan karin.

 

Wax yaab leh ayaan ku arkay xaaskay sababtuna waa Whatsapp

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More