Site icon Daruur درور

Xaaskayga raaxada sariirta kahor wax xun ayay samaysaa

Xaaskayga raaxada sariirta kahor wax xun ayay samaysaa

Su’aasha:

Waan idin salamay asxbat webka daruur, waxaan ahay qof ku nool dal ka mid ah dalalkya yurub, xaaskayga waa qof xanaaq badan oo dabci adag waan isaga sabraa, muddo ayaan is qabnaa waxay igu bilowday inay ii diido raaxada sariirta anoo aan lacag bixin, markaan lacag aan bixiyo wasay rabatay waa diyaar, waan la hadlay waan ka waaniyay way iga diiday inay warkayga qaadato.

Waxaan ku iri gabadha dhilada ah ayaa lacag raga ka qaadata adiga xaaskayga ayaad tahay maxaad sidan iigu samaynaysaa, waxay igu xor baan ahay, haddii aadan bixin lacag raaxo arki maysid, danta waxay igu kaliftay inaan lacag siiyo marka aan rabo inaan u galmodo, hadaba diinta maxay ka qabtaa dumarka la qabo inay lacag ninkooda ka qaataan marka ay uga baahdaan gogosha, lacagtaas xaaraan miyay ka tagay iyada, hadalkayga waso gaabiyay fadlan jawaabtina ayan sugaa, arinta wasaa ansoo sheegay.

Xaaskayga raaxada sariirta kahor wax xun ayay samaysaa
Xaaskayga raaxada sariirta kahor wax xun ayay samaysaa

Jawaabta:

Walaal marka hore kusoo dhowoow webkan wixii su’aal aad u baahan tahay noogu soo dir mar walba.

Marka aan su’aashaada ka jawaabo, marka hore waa inaad ogaataa wax la dhaho guur iyo gaabsi siday soomaaliduba dhahaan.

Guur waxaa laga wadaa ninka inuu kitaabka Alle iyo sunnada nabiga ku guursado naag, gaabsina waxaa la dhahaa ninka inuu naagta dhilo ka dhigto lacag ha siiyo ama yuuna siinin, marka farqi weyn ayaa u dhxeeya labadaas xaaladood.

Ninka marka uu naagta guursado waxaa dusha laga saaray waajibaad badan sidoo kale waxaa la siiyay xuquuq badan uu ku leeyahay xaaskiisa.

Diinta islaamka ninka iyo naagtaba maysan dulminin qof kaste way  u garsoortay.

Ninka korkiisa waxaa la saaray waajibaad waxaa ka mid ah:  biil iyo nafaqo inuu siiyo xaaskiisa waa mas’uuliyad buuxda oo waajib ku ah.

Naagtana waxaa la amray inay adeecdo oo warkiisa qaadato, markuu faro wax aan diinta khilaafsanayn.

Marka xuquuqda ninka uu ku leeyahay xaaskiisa waxaa ugu horreeya uguna muhimsan galmada ama jimaaca (raaxada sariirta) ninka hadduu xaaskiisa ka dalbado waa inay siisaa raaxada uu u baahan yahay, haddaysan jirin arrin jideysan oo ka reebayso sida xanuun ama dhiiga caadada oo kale, ama ninka inuu ka dalbado wax aan ka mid ahayn jimaaca jideysan sida galmada dabada ama geedka inay u jaqdo oo kale ama inuu farjiga ka leefo.

Jimaaca jideysan ma diidi karto lacagna kuma qaadan karto, haddii ay sidaas ninkeeda lacag kaga qaadato way dambaabaysaa, waayo xaqiisa weeye ma aha inuu lacag ku bixiyo.

Teeda kale taas waa astaamaha lagu garto dhilooyinka illeen lacag bay ku qaadataa gabadha sharmuutada marka farjiga ay dhiibato.

Taas waxaa soo galaya soomaalida waxa ay dhahaan degfur oo gabadha habeenka aqalgalka ay ka qaaddo ninkeeda, uma fureyso degteeda hadduusan bixin lacag degfur lagu magacaabo.

Dhaqankaas waa dhaqan jaahili ah.

Axaadiis badan ayaa kusoo aroortay ninka hadduu naagtiisa ka dalbado inuu u tago aysan diidi karin.

Bukhaari iyo Muslim waxay ka waryeen Abuu Hureyra (RC) inuu yiri Rasuulkii Alle (SCW):

(إذا دعا الرجل امرأته إلى فراشه فلم تأته، فبات غضبان عليها لعنتها الملائكة حتى تصبح)

(Ninka hadduu ugu yeero haweeneydiisa gogoshiisa oo aysan u imaanin uuna bariyo asoo caraysan malaa’igta ayaa lacnadeynaysa).

Tirmithi iyo Nasaa’i waxay ka wariyeen Dalq bin Cali (RC) inuu yiri rasuulkii Alle (SCW):

(إذا دعا الرجل زوجته لحاجته فلتأته وإن كانت على التنور)

(Ninka hadduu ugu yeero xaaskiisa dantiisa ha u tagto xataa tinaarta ha joogtee) .

Waxaa laga wadaa xataa shaqo culus hadday hayso waa inay yeeshaa amarkiisa.

Marka waxaad fahmaysaa xaqa uu ninka ku leeyahay xaaskiisa inuu weyn yahay, sidoo kale iyaduna xaq ayay ku leedahay xataa xaqa sariirta, hadday u baahan tahay galmo waa inuu u yeelaa.

Alle (SW) wuxuu yiri:

(وَلَهُنَّ مِثْلُ الَّذِي عَلَيْهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ) 

(Haweenkuna waxay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si wanaagga ku jiro) Albaqara 228.

Marka waxaan kula talinayaa inaad waaniso oo aad u sheegto diinta waxa ay ka qabto falka ay samaynayo, waxaa laga yaabaa inuu Alle jidka toosan ku hanuuniyo.

Sababta ay u xanaaqdo xaaska xiliga sariirta

Exit mobile version