Xaaskayga gadaal ayaan ka maray sideen u towbadkeenaa

Xaaskayga gadaal ayaan ka maray sideen u towbadkeenaa

Su’aasha:

Waxaan is qabnaa aniga iyo xaskayga mudo dheer sanooyin badan ah isbuuc kahor ayaan qalad galay kaso ah dabada ayaan uga tagay markaas ayan biya ku shubay, waxan dareemayaa dambi weyn ma awoodo inaan u dulqaato xaaskayga kaddib calool xauun ayaa ku dhacay oo xog badan saxaro xataa kama imaamin dhowr malmood marka ma garanayo maxan sameyaa ila taliya.

Xaaskayga gadaal ayaan ka maray sideen u towbadkeenaa
Xaaskayga gadaal ayaan ka maray sideen u towbadkeenaa

Jawaabta:

Marka hore fal xun ayaad samaysay marka dambiga waxaa dhaafaya kaliya Alle towbad dhab ah la imow waayo culimada madaahibta afarta way isku waafaqsan yihiin galmada dabada xaaska inay xaaraan tahay, marka adiga waxaa lagaa rabaa inaad ka towbad keento waana dambi weyn.

Teeda kale caloolxanuunka waxaa laga yaabaa inuu ka dhashay naxdinta ay xaaskaaga ka qaadday galmada gadaal, waayo meesha ma aha meel qoyan oo wax gali karaan, mana u samaysna in wax la galiyo, kaliya wax ayaa kasoo baxaya, marka xubinta taranka xoog lagu galiyo dhaawac ayaa gaaraya, marka taas yaa keentay inay saxaroon weyso, taas waxaa laga yaabaa inay dhibaato u keento mustaqbalka, cudur inay u keento arintaas, teeda kale biyaha shahwada ama manida lagu shubay dabada saameys kuma laha saxaro la’aanta, laakin biyaha shahwada ninka waxaa la sheegaa inay naagta u keenayaan inay barato galmada gadaal, waxay ku abuurayaan bagteeriya gudaha maroorka ama malawadka, marka si kaste waxaa lagaa rabaa inaadan mar kale samaynin.

Haddii caloolxanuunka uu hari waayo waa inaad raadisaa dhakhtar dhibaatada haysata waa in la ogaadaa si doowo loogu helo.

Towbadda dambiga ayaa lagu dhaafaa cadaabka Allana waa lagaga badbaadaa,

wuxuu yiri Alle:

(وَيَا قَوْمِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُم مِّدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَىٰ قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا مُجْرِمِينَ)

(Qoomkayow Dambi dhaaf warsada Eebihiin una toobad kenna ha soo (Daayo) diro Samada (Roobka) korkiinna si badane hana idiinku kordhiyo xoog xooggiinii hana jeedsanina idinkoo Dambiilayaal ah)    rd

(فَقُلْتُ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ إِنَّهُ كَانَ غَفَّارًا * يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُم مِّدْرَارًا * وَيُمْدِدْكُم بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَل لَّكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَل لَّكُمْ أَنْهَارًا)

(Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance. * Cirkana Roob badan ha idinka keenee * Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal) rd

(وَمَا كَانَ اللَّـهُ لِيُعَذِّبَهُمْ وَأَنتَ فِيهِمْ ۚ وَمَا كَانَ اللَّـهُ مُعَذِّبَهُمْ وَهُمْ يَسْتَغْفِرُونَ)

Eebase ma aha kii Cadaaba Adoo Dhexjooga, mana aha mid Cadaaba iyagoo Dambi dhaaf warsan)  rd

 

Faa’idooyinka Ay Leedahay Istiqfaarta Iyo Axadiista Kusoo Aroortay

Dambiga Lagu Noqnoqdo Towbad Ma Leeyahay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More