Xaaskayga cayaar xun ayay rabtaa

My wife wants a bad game

Xaaskayga cayaar xun ayay rabtaa

Su’aasha:

Naag ayaan guursaday waana ku cusbahay gurka waxan ka helaa inaan si fican ula raxaysto xaga istinka leefida xubnha taranka, waxan maqlay culimada dinta qaar inay baneyen somali waxan maqlay video sh maxmed aw cabdule carif inu yiri ninka xaskisa waa ka lefi karaa kintirka laakin shakeh umal wuxuu yiri xaran waye, aniga waxan rabaa inan ogado cafimad ahaan qofka hadu jaqo xubinta taranka dhib miya kaga imanaya xaga cafimadka.

Xaaskayga cayaar xun ayay rabtaa
Xaaskayga cayaar xun ayay rabtaa

Jawaabta:

Diinta islaamka waa diin waligeeda dadka ku hanuuninayso waxa saxa ah, ninka iyo xaaskiisa waa loo oggol yahay inay wada raaxeystaan, wada raaxaysashada waa inaysan ku salaysnayn wax lagu xarimay diinta.

Leefida xubinta taranka naagta way jiraan culimo waa hore ka hadlay waana laysku khilaafsan yahay, laakin culimadaas waxay ka hadleen leefida kintirka ee kama hadlin leefida duleelka siilka meesha naagta ay ka dhasho.

Waxaan shaki ku jirin meeshaas inay tahay meel aan wasakh ka dhamaanin, marka adduunka samankan dadka waxay ku dayanayaan waxyaalaha la faafinayo oo ah dhaqamada cusub oo soo galay istiinka iyo galmada, waa waxyaalo laga yaabo sida leefida kilkilaha dumarka oo kale ama leefida dabada ama leefida cagaha, waxaasoo dhan waa waxyaabo caqliga xitaa aan qaadaneynin, sidee loo leefaa dabada illeen waa meel loogu talaggalay inay saxaro kasoo baxdo maxaa keenaya in futo la leefo, waxaas oo kale waa meelaha jirada laga qaado.

waxaa la og yahay bakteeriyada jirka marka uusoo tufo waxay ku kulmaysaa maroorka, marka dabada waa meel ay ka buuxaan bakteeriyadaha jirka soo tufay si banaanka ay usoo baxaan, qofka meesha carabka la galo waxyaalo daran ayuu kala kulmaa, marka waa inaad ka fogaataa wixii halis kuu keeni kara, shaki kama taagna in jirrooyin laga qaadi karo, bulshada soomaaliyeed marka ay galeen dalalka reer galbeedka waxyaalo badan ayay kasoo qaateen.

Maanta wiilasha iyo gabdhaha waxyaalaha ay sheegaan waad la yaabaysaa, su’aalaha lasoo weyddiiyo culimada soomaaliyeed oo la xiriira galmada iyo raaxada sariirta waxay ka imaadaan badankooda dadka soomaaliyeed oo ku nool wadamada yurub iyo America.

Si kaste meesha haddii loo nadiifiyo lagama yaabo inay nadiif noqoto oo afka in lala aado ay habboon tahay.

Waxaan shaki ku jirin qofka inuu dhibsado wixii nijaaso u dhow sida xubnaha taranka oo kale, waayo waxaa laga yaabaa inay kaaga soo baxdo nijaaso, marka waxaa lagaa rabaa inaad ka fogaato meel kaste ay ka imaan karto nijaaso.

Alle wuxuu jecel yahay kuwa dahaarada ku dadaala mar kaste daahirka ah, wuxuu yiri:

(إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ التَّوَّابِينَ وَيُحِبُّ الْمُتَطَهِّرِينَ)

(Alle wuxuu jecel yahay kuwa towbad keenka badan wuxuuna jecel yahay kuwa is dahiriya)

Qofka waxaa laga rabaa inuu ku dadaalo dahaarada iyo nadaafadda, qofka afkiisa la galo meelahaas najaaso ayuu afka la gali karaa.

لأن الخروج من السبيلين إنما كان حدثا؛ لأنه يوجب تنجيس ظاهر البدن لضرورة تنجس موضع الإصابة، فتزول الطهارة ضرورة، إذ ‌النجاسة، والطهارة ضدان، فلا يجتمعان في محل واحد في زمان واحد، ومتى زالت الطهارة عن ظاهر البدن خرج من أن يكون أهلا للصلاة التي هي مناجاة مع الله تعالى، فيجب تطهيره بالماء ليصير أهلا لها، وما رواه الشافعي محتمل يحتمل أنه قاء أقل من ملء الفم.
وكذا اسم الوضوء يحتمل غسل الفم، فلا يكون حجة مع الاحتمال، أو محمله على ما قلنا توفيقا بين الدلائل

عن عبد الله بنِ عبَّاس رَضِيَ اللهُ عنهما قال: ((مرَّ رسولُ اللهِ صلَّى اللهُ عليه وسلَّم على قَبرينِ، فقال: أمَا إنَّهما ليُعذَّبان، وما يُعذَّبان في كبيرٍ، أمَّا أحدُهما فكان يمشي بالنَّميمةِ، وأمَّا الآخَرُ فكان لا يَستَتِرُ من بولِه، قال: فدَعا بعَسيبٍ رَطْبٍ فشَقَّه باثنينِ، ثمَّ غرَس على هذا واحدًا، وعلى هذا واحدًا، ثمَّ قال: لعلَّه أنْ يُخفَّفَ عنهما ما لم يَيبسَا وفي روايةٍ بهذا الإسنادِ، غير أنَّه قال: وكان الآخَرَ لا يستنزِهُ عنِ البَولِ، أو مِنَ البولِ  المصدر

Xaaska wax Dareen ah Aysan daremin xiliga galmada

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More