Xaaska gogosha dumarka uga sheekaysa

Su’aasha:

Waxaa i haysata dhibaato tasoo ah xaaskyaga waxay iga faafisaa sirta gogosha, wixii na dhex maro oo galmo iyo raaxo waxay uga sheekaysaa dumarka saxiibadeeda, marka aan ka reebay arinkaas maysan qaadanin hadalykayga wax iga carootay, waxaan ku fikiraya inaan iska furo waxaan arkay webkan oo talooyin fiican bixiyo haddaad talo fican isin kartin iala taliya.

Xaaska gogosha dumarka uga sheekaysa
Xaaska gogosha dumarka uga sheekaysa

Jawaabta:

Sirta ninka iyo naagta dhex marto ma aha inay gaarto cid kale nikana looma ogola inuu raga kale gaarsiiyo sidoo kale naagtana looma oggola inay dumarka kale gaarsiiso, waa sir labadooda ku eg, wax foolxumo ah gabadha inay ka sheekayso wixii ninkeeda ku sameeyay sidoo kale raga qaar iyagan waxay saaxiibayaashooda uga sheekeeyaan xaasaskooda sida ay ula raaxaysteen, dadkaas waa dad dhaqanka shaydaanka fuliyay, waxaa waajib ku ah inay ka towbad keenaan, waliba waxaa kasii foolxun dumarka raga kale shukaansada iyagoo la qabo oo markaas nimanka ay shukaansadaan uga sheekeeya ragooda waxay ku sameeyaan.

adiga waxaa kula gudboon inaad si fiican ula hadasho oo aad digniin siiso, haddii arrinkaas ay dhowr jeer u noqoto, inaad iska fasaxdo, waayo naagtaas kuuma noqonayso naag aad ku aamini karto noloshaada mustaqbal, wixii guri ka dhaco banaanka ayay geynaysaa, waliba waxaa laga yaabaa inuu shaydaanka waxyaalo kale maskaxda ka galiyo.

Ninka xaaskiisu inay ku qanacsan tahay sidee buu ku ogaan karaa

The secret between a man and a woman should not reach anyone else, and a man is not allowed to reach other men, and a woman is not allowed to reach other women, it is a secret between both of them, it is a shameful thing for a woman to talk about what her husband did to her, and some men also tell their friends about their wives and how they enjoyed them, these people are people who have committed the devil’s culture, they must repent, and it is even worse for women who date other men while they are married and then tell the men they date about what their husbands do to them.

You should talk to her properly and give her a warning, if this happens several times, you should leave her, because that woman will not be a woman you can trust in your future life, whatever happens at home she will take outside, and the devil may also put other things in her mind.

Leave a Reply