Wixii dambi aad ku fikirto miyaa laguu qorayaa

Su’aasha:

Daruur thanka for your help. Walllalo waxan donayaa in aan wax ka ogaaado, hadee shaydaanku wax xun oo aad u xun maskaxdaada ku soo rido deetana markeebaad aad ka naxdoo ood istaqfurllah iyo tawbad badan sameyso hadana waxaasi soo noqdo dhinaca maskaxda uun wll aad ku dhamqin balse uun wax mala awaal ah ku sameeyo. Maxa talo aad i siin lahydeen uun sameyaaa markasta waan tukadaa wanaan ku ficanay diinta aad wllo.

Wixii dambi aad ku fikirto miyaa laguu qorayaa
Wixii dambi aad ku fikirto miyaa laguu qorayaa

Jawaabta:

Diinta islaamka waa diin ku dhisan xigmad iyo naxariis, qofka looma qabsanayo wixii maskaxdiisa gudaha soo maro, iyo wixii uu ku fikiro oo uusan fulinaynin, taas waa arrin laysku waafaqsan yahay, qofka wixii uu sameeyo oo hadal ama fal ah ayaa lagu qabsanayaa, iyo wixii uu niyaysto oo uu go’aansado isagana waa loo qabsanayaa, laakin wixii waswaas ah oo maskaxda ku wareegsanaya looma qabsanayo.

Nabiga SCW ayaa noo sheegay arrinkaas wuxuu yiri:

“إِنَّ اللهَ تَجَاوَزَ لأُمَّتِي مَا حَدَّثَتْ بِهِ أَنْفُسَهَا مَا لَمْ يَتَكَلَّمُوا أَوْ يَعْمَلُوا بِهِ”.

(Ilaahay wuxuu ka dhaafay umaddayda wixii naftooda ay ugu sheekeeyaan haddaysan ku  hadlin ama aysan samaynin)

Xadiiskan waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim iyo dad kale.

Marka wixii naftaada ku dhex wareego adoon ku hadlin ama aan samaynin dambigiisa kuma saarna, hadduusan go’aan ahayn.

Tusaale ahaan: waxaad soo martay nin lacag badan haysto maskaxda waxaa kaaga soo dhacay ninkan lacgta haddii aad ka xoogi lahayd ka waran, adoon niyaysanin kaliya waxay kaa tahay fikir maskaxda kaasoo galay, taas laguuma qabsanayo, laakin haddii aad niyaysato oo aad go’aansato ninkaas inaad hantida ka xoogto adoo sidaas ku talaggalay oona arrintaas wax kale kaa reebay, markaas niyaddaada waa lagugu qabanayaa, marka farqigaas ayaa u dhexeeya laba arrin maskaxda kaa soo galaya.Da

Dambi aan ka towbad kaanay ayan ku noqdaa ma soomi karaa

Islam is a religion based on wisdom and compassion. A person is not held accountable for what goes through his mind, and what he thinks and does not carry out, that is a matter of mutual agreement. A person is held accountable for what he does in speech or action, and what he intends and decides is also held accountable, but what is obsessive that surrounds the mind is not held accountable.

When what goes on in your mind without you speaking or doing it is not your fault, unless it is a decision.
For example: you have come across a man who has a lot of money, and you have thought about this man’s money, what if you were to take it from him? Without thinking about it, it is only a thought that has entered your mind, you are not held accountable for that, but if you make up your mind and decide to take the money from that man with that intention and without anything else in mind, then your intention is held accountable, so that is the difference between two things that enter your mind.

Leave a Reply