Site icon Daruur درور

Wiil xiriir naga dhaxeeyo aan jeclahay sidan buu u dhaqmaa ila taliya

Su’aasha:

Walaal waxaa jiro wiil xiriir naga dhaxeeyo wiilkii wan jeclahay asna sido kle marka asi mashaqeeyo ischool wuu dhameeyay jamacad ayaa udhiman eedadiisa ayaa guriga utaliso jamacad ayaa kugaynaa ayee dhahday hye markuu dhahay lkn asi inya inoo kagalo marawo yurub ayuu rawaa lkn ayada inta ayee larabtaa ani xitaa sido kle markii loo diidiiday woo ogolaaday kadib ayaan dhaweed ayee isku dhaceen wayka xanaaqsan tahay jamacad kuma gaynaayo ayee dhahday asina wuukama yeelin inbadan uyuu lahadlay waykadiiday ugu dambayn wuuka quustay ayadana lama hadlayso bil kudhawaad hada wuuba nacay jaamacad wuxuu rawaa inoo iska joogo anigana shaqayso madhihi karo kaan isku guursano wuxuu kuleeyahay 5sano kadib ayaan isguursanaynaa isug ayuu idhahay anigana waan kashakiyay shaqayso ayaan mardhahay wuu iga xanaaqay markaan damco inan dhaho wuxuu leeyahay hye bari cml hada igadhaaf ayuu dhahaa eedadiisa inoo hormar gaaro marabto mana katagi karo mxaa sameeyaawaana hubaa isoo ejeclyahay

Wiil xiriir naga dhaxeeyo aan jeclahay sidan buu u dhaqmaa ila taliya
Wiil xiriir naga dhaxeeyo aan jeclahay sidan buu u dhaqmaa ila taliya

Jawaabta:

Qofka marka uu da’ yar yahay jacaylka wuu la fudud yahay wuxuu u malaynayaa qofka markuu ku dhaho waan ku jeclahay in jacaylkaas dhab yahay, jacaylka dhalinyarada ayaa la dhahaa midkaas wuxuu ku dhisan yahay degdeg iyo seeflabood, marka jacaylka dhabta ah wuxuu imaanayaa qofka marka uu naagta guursado markaas ayaa qofka laga dareemayaa inuu yahay qof naagtiisa jecel iyo inuu ahaa qof jacaylka afka ka sheegi jiray, marka hadduusan hadda guur diyaar u ahayn oo uu yahay mashaqayste waxaa fiican inaad la tashato waalidkaaga iyo walaalahaaga oo aadan raacin jacaylka aad dareemayso, maxaayeelay waxaa dhici karto inaad ka shallayso, la tasho aabbahaaga iyo walaalahaaga arrintan u bandhig maxaayeelay iyagaa kula eegaya xaalka wiilkaas iskana ilaali sheeko beenbeen ah.

Exit mobile version