Weyneynta faruuryaha dumarka iyo jirka inta kale diinta maxay ka qabtaa

Weyneynta faruuryaha dumarka iyo jirka inta kale diinta maxay ka qabtaa

Su’aasha:

SCW bahda Daruur aad baan idin salaamaya waxan idinkaga mahadnaqaya siqa qaayaha leh aad noogu soo jawabtaan su’aalaha webkiina waan ku kalsoonahay khayr Allaah ha idin siiyo, Muqdisho waxa laga furay meel lagu qurxiyo dumarka bishimaha ayaa lagu weyneeyaa sidoo kale dabada iyo naasaha diinta maxay ka qabtaa arintaas?

Weyneynta faruuryaha dumarka iyo jirka inta kale diinta maxay ka qabtaa
Weyneynta faruuryaha dumarka iyo jirka inta kale diinta maxay ka qabtaa

Jawaabta:

Marka hore waa in la ogaadaa farqi inuu u dhexeeyo isqurxin iyo doorinta abuurka Alle, faruuryaha ama bushimaha haddii aysan cudur lahayn oo caadi ay yihiin qaliin lagu qurxinayo laguma sameyn karo, laakin haddii qofka uu yahay fauurey oo meesha ay ka jeexan tahay daawo ahaan waa loo hagaajin karaa.
Midda kale naasha dumarka yaryar in la weyneeyo oo qaliin lagu sameeyo lama oggola sidoo kale naasaha hadday yihiin kuwo waaweyn iyaga lama yareyn karo , hadday xadka ka baxaan oo naagta dhib ay u keenaan oo ay qaadi weyso mooyee, markaas jirro ahaan ayaa loola tacaamulaa.
Waxaa kuusoo hartay dabada in la weyneeyo taas iyada waa mamanuuc, maxaayeelay wax daawo ah ma gasho kaliya waa doorin iyo badalid abuurka Ilaahay (CW).

Diinta islaamka aad ayay u diidday in la baddalo khalqiga Alle waxay sheegtay inay shaydaan kasoo fushay arintaas, Alle wuxuu yiri:

(إِن يَدْعُونَ مِن دُونِهِ إِلَّا إِنَاثًا وَإِن يَدْعُونَ إِلَّا شَيْطَانًا مَّرِيدًا * ‏ لَّعَنَهُ اللَّهُ ۘ وَقَالَ لَأَتَّخِذَنَّ مِنْ عِبَادِكَ نَصِيبًا مَّفْرُوضًا  *‏ وَلَأُضِلَّنَّهُمْ وَلَأُمَنِّيَنَّهُمْ وَلَآمُرَنَّهُمْ فَلَيُبَتِّكُنَّ آذَانَ الْأَنْعَامِ وَلَآمُرَنَّهُمْ فَلَيُغَيِّرُنَّ خَلْقَ اللَّهِ ۚ وَمَن يَتَّخِذِ الشَّيْطَانَ وَلِيًّا مِّن دُونِ اللَّهِ فَقَدْ خَسِرَ خُسْرَانًا مُّبِينًا *  يَعِدُهُمْ وَيُمَنِّيهِمْ ۖ وَمَا يَعِدُهُمُ الشَّيْطَانُ إِلَّا غُرُورًا ‎* أُولَٰئِكَ مَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ وَلَا يَجِدُونَ عَنْهَا مَحِيصًا ‎*)

(ma Caabudayaan Eebe ka sokow waxaan dhadig ahayn, mana Caabudayaan waxaan Shaydaan madax adag ahayn *  Ha Lacnado Eebe shaydaan wuxuu yidhi waxaan ku yeelan Addomada Qayb Sugan * Waan baadiyeyn waan yididiilo (Xun) galin waana fari (Xumaanta) waxayna jeex jeexi Dhagaha Xoolaha waana fari (Xumaanta) waxayna doorin abuurka Eebe ruuxii ka yeesha shaydaan Wali Eebe ka sokow dhab ahaan buu u Khasaaray Khasaare Cad) * wuu u yaboohi oo yididiila galin mana yabooho shaydaan waxaan dhagar ahayn * kuwaasna hooygoodu waa Jahannamo kamana helaan xaggeeda iilasho (iyo fakasho).

 

Wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(لَعَنَ اللَّهُ الواشِماتِ والمُسْتَوْشِماتِ، والمُتَنَمِّصاتِ، والمُتَفَلِّجاتِ لِلْحُسْنِ، المُغَيِّراتِ خَلْقَ اللَّهِ )  المصدر

(Ilaahay ha lacnado dumarka shaabadda (barta) sameeya iyo kuwa dalbada, kuwa sunyaha iska tifa iyo kuwa ilkaha fanax u yeela oo dooriya khalqiga Ilaahay)

Xadiiska waa saxiix Bukhaari ayaa wariyay. Waxaa kaloo kasoo arooray rasuulka xadiis laga wariyay Asmaa binti Abiibakar waana kan:

(جاءت امرأة إلى النبي ﷺ فقالت: يا رسول الله! إن لي ابنتاً عُرَيِّساً -تصغير عروس- أصابتها حصبة فتمرق” وفي رواية: “فتمزق”، أي: تساقط، “شعرها أفأصله -بشعر آخر-؟ قال: لعن الله الواصلة والمستوصلة)

(Haweeney ayaa u timid rasuulka (SCW) waxay tiri rasuulkii Allow ! waxaan qabaa gabar aroos yar ah jadeeco ayaa ku dhacday timaha ayay ka daadatay tin kale ma ugu xiri karaa? wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu lacdanaday midda xiriirisa iyo midda dalbata (naagta timaha buruko ku xirata iyo midda sidaas dalbata)

Xadiiska Bukhaari iyo Muslim ayaa wariyay.

Marka diinta islaamka mowqifka ay ka qabto doorinta khalqiga Ilaahay waa wax cad, isqurxinta lama diiddadana laakin xad ayay leedahay, wax kaste gaalada kasoo fulo ma aha in la wada qaato, wixii xun oo diinta khilaafsan waa in laga fogaadaa, wixii fiican oo diinta aan khilaafsanayn wax dhib ma laha.

Marka maanta dumarka soomaaliyeed oo weerara laggu soo qaaday siiba gabdhaha yaryar oo la rabo in la dhaqanrogo waa arrin aad u daran runtii oo bulshada halis weyn u keenaysa.

Waliba waxaas dad ayaa ka shaqeeya oo hadaf wey ka leh dadka soomaaliyeed inay dhaqan rogaan, haween badan ayaa maanta weerar ku haya diinta islaamka oo soomaali ah oo af soomaaliga ku hadla oo lagu soo barbaariyay wadamada gaalada.

 

Waa Maxay Cayilka Foosha Xun What Is Bad Obesity

Cuntada Cayilka Jirka U Keenta

Raashiinka Cayilka U Keena Jirkaaga

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More