Webka Daruur Sheekh Usuuli miyaa iska leh

Su’aasha:

Maxay tahay sababta su’aalkasto oo la idiin weydiiyo uga jawaabtaan?

Waxaan layaabay websitekan dadka su’aalaha kusoo diraayo iyo jawaabaha laga siiyo horta waaku xiranahay websitekaan balse waxaan la yaabay dadka su’aalaha idiin weydiinaayo haba ugu badnaatee kuwa galmada ka hadlaayo yacni websitekiinu su’aal walbo waa la weydiin karaa miyaa teda kale waxaan baraha bulshada ku arkaaye dad dhahaayo webzitelkaan waxaa iska leh sheikh Usuuli warkaas run miyaa?.

Webka Daruur Sheekh Usuuli miyaa iska leh
Webka Daruur Sheekh Usuuli miyaa iska leh

Jawaabta:

Webka Daruur waa webka u adeega umadda soomaaliyeed, gaar ahaan dadka raba inay su’aalo soo weyddiiyaan waa u furan yahay, waxaana ka jawaabo su’aalaha dad aqoon u leh oo jaamacado dhigo oo leh takhasusuyo badan.

Su’aal kaste in laga jawaabo waa waxa loo baahan yahay inkastoo dadka ay u badan yihiin su’aalaha laga xishoodo oo la xiriira sariirta,  dadka way ka xishoodaan su’aalaha ay qabaan xagga sariirta si toos uma weydiin karaan, marka webka qofka wuxuu u oggol yahay magac kaste inuu kusoo qoro su’aasha marka uu soo dirayo qasab ma aha magaciisa inuu kusoo qoro.

Dadka dhahayo webka Daruur Sheekh Usuuli ayaa iska leh sax ma aha.

Sheekh Usuuli waa sheekh umadda soomaaliyeed wax weyn u haya – ilaahay ha xafidee – su’aalaha ayuu uga jawaabaa diintana wuu baraa – Ilaahay haka abaalmariyee -, laakin webkan isaga ma laha webka waxaa iska leh hay’adda Daruur.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More