Horta waanka xumaha in webkan uu noqdo mid Qaran dumis oo qab qablayaal furteen mida labaad madaxweyne Farmaajo wax badan ayuu danta dalka iyo dadka u tanaasulay wuxuu yiri doorasho qof iyo cod aan qabsano waxaa diiday mucaaradka deni iyo Axmed Madoobe, wuxuu ogolaaday doorasho dadban waxaa diiday hadana isla dadkii keenay fikrada doorashada dadban marka madaxweynuhu wuxuu ku qasbanaaday inuu dalka ka bad baadiyo firaaq dastuuri ah go’aankaasna Baarlamaanka ayaa qaatay in dalka uu u aado doorasho qof iyo cod bal markaad leedihiin dagaal sokeeye haduu dhoco farmaajaa ka masuul ah hade farmaajo ma isagaa dagaal sokeeye bilaabay ma bilaabin ninkii dagaal bilaabay sow masuuliyadeeda malahan markaa dheheysiin xukunka uu iska sii joogoo rabaa ma waxaad ka xuntihiin taageerada shacab uu madaxweynaha Qaranku heysto?
Bal iiga jawaaba midaas
Jawaabta:
Qaran waa lagu qaraabtaa, Farmaajo wuxuu ka mid yahay dadka ku qaraabta qaranka, teeda kale yaa ku dhahay Farmaajo ayaa ka fiican dadkii ka horreeyay?, afrarta sano uu haystay immisa qarax dhacay lama soo koobi karo, wadanka wuxuu hadda kasoo kacayaa dhibkii kasoo gaaray dagaalladii ka dhacay ee sokeeyaha, sidey ku suurtagalaysaa in la sameeyo doorasho qof iyo cod, dal aan dadkiisa la diiwaangalinin oo xataa aan lahayn nidaam lagu ogaan karo tirakoobka dadka, oo kala go’an oon amaan jirin, nolol aan haysanin, sidoo kale meelo badan gacanta ugu jiraan dad kale aan dowladda ka mid ahayn.
Marka sheekada Farmaajo way iska caddahay qarandumis waxaa lagu tilmaami karaa Farmaajo iyo dadka beenta ku raacsan, waana labo nooc: kuwo qabiil ku taageersan oo qarsanaya oo qaran ku daboolaya, iyo kuwo masaakiin ah oo la siray beenta baraha bulshada laga dherjiyay inuu yahay Farmaajo halyey.
Webka Daruur ma aha web hadda la dhisay waxaa la aasaasay 2006-kii intaas oo sano umadda soomaaliyeed ayuu u adeegayay, marka ma aha inaad ku tilmaanto qabyaalad inuu ka shaqaynayo, waxaa la yaab leh dad badan oo ka mid ah dadka taageersan Farmaajo aan fikiraynin oo u haysta inuu yahay isaga kaliya qaran wixii isaga khilaafo qabyaalad inay ku dhaqmaan.
Farmaajo muxuu u diiday inuu doorasho sameeyo sidii hore oo kale?