WAYDIIYA MIYAYSAN AHYN DADKII ISLAAMKU SAAN ULA DHAQMI JIRAY?

Wada noolaansho nabdoon waxay lagama maarmaan u tahay aadanaha xili walba iyo meelkastaba
DUNIDAAN AAN MAANTA KU NOOLNAHAYNA MA AHA MIDII UGU HORAYSAY EE AY KUWADA NOOLAADAAN MUSLIM IYO GAAL MAGACUU DOONO HA SHEEGTEE MIDIGTA FOG AMA BIDIXDA FOG WALIGEED WAA LAWADA NOOLAA KA SOO BILAAW XILIGII UU UUMAY AADANAHA EE BAHEEN XILIGII SUUBANAHEENA MUXAMAD NNKH mana jirin cid lagu dhex dulmiyay waliba ayadoo xiligaasi ay umada muslinka ahi awood lahayd balse quruxda naxariista islaamka ayaa ahyd sidaa in lagu wada noolaado.

WAYDIIYA MIYAYSAN AHYN DADKII ISLAAMKU SAAN ULA DHAQMI JIRAY
WAYDIIYA MIYAYSAN AHYN DADKII ISLAAMKU SAAN ULA DHAQMI JIRAY

Doonista alle ayayna ku ahaatay in dadku kala diimo duwanaadaan kalana fahan duwanaadaan kuna wada nooladan nabad
Waxaana wacan in ay aqbalaan dadku si loo helo degenaasho iyo nabad waarta, lagana dheeraado is nacaybka
Kuwaani waa qaar ama qaybo ka mida sida wacnayd ee uu islaamku ula dhaqmi jiray xiliga nabada ama xiliga muslimiintu qaadi jireen dagaalka lagu waajibka yeelay:-
Diimaha illaah samadiisa ka soo dajiyay ee saddexda ah(Islaam,Yahuudi iyo Masiixigaba) waxaa illaah usoo dajiyay midkastana ugu yeelay rasuul ayaa ah in dadku ku hanuunsamaan qaybna ka qaataan camirnaashaha nabada isjacaylka iyo jiritaanka koonkaan, islaamkuna arintaas wuu dhaqan galiyay xiriirka kala dhaxeeyo dadka aan ku diinta ahayn tusaale:
Yahuudu waxay ahaayeen dad wax ka daganaa magalada Madiina oo ay ka talinaysay dowlad islaamiya waxayna ka mid ahaayen umadii xoola dhaqatada ahyd ee daganayd madiino, waxaa lagu qoray dastuurkii dowladaas islamiga ahyd qoraal ahaa sida tan:(In dadka yahuuda haystaan diintooda , Muslimiintuna haystaan diintooda hadii yahuuda la soo weerarana ay muslimiintu difaaci doonaan difaaca magaaladana kawada dhaxayso talo iyo wanaagna ka dhaxayso yuhuuduna tahay umad ka mida muslimiinta.

Cumar Bin alkihidaab illaah raali haka noqdee in uu yiri rasuulku(Qofkii dilaa qof dhulka muslimiinta ku jooga heshiis ma urin doono carafta janada)
Dhanka kale hadii aan eegno Rasuulkeena NNKH sida ula dhaqmi jiray dadka aan muslinka ahayn wuxuu rasuulku kala qayb gali jiray waliimooyinkooda hadii dhibaato ay qabsato wuu uga tacsiyadayn jiray sidoo kale wuxuu ahaa mid ka daynsada dadka ahlu kitaabka ah lacago anakoo wada og in xiligaa ay jireen asxaabtiisa lacagna haysta jecelna laakiin waxa uu nabaraayay rasuulkeenu NNKH in gaal iyo muslimba wada noolan karaan wada dhaqana dhex mari karo
Qiso kale hadii aan soo qaadano saxaabigii waynaa Cumar Bin Khidaab xili uu ku sugnaa dhulkii Shaam ayuu la kulmay koox gaalo ah oo canbuuradii dagaalka xiran isla markaana ku ciyaaraya seefo iyo warmo sida ay ahayd cadadooda in ay sameeyaan markay jiraan maalmo ay wayneeyaan Cumar Bin Khidaab ayaa yiri ka joojiya saxaabiga Abuu Cubayda ayaa yiri: “amiirkii muminiintoow tani waa dhaqankooda hadii aad udiidana waxay u arkayaan in heshiis koodii lalagalay ka baxday” amiirkii muminiinta Cumar ayaa dabadeed yiri iska daaya.

Sidoo kale Cumar Bin al Khidaab ayaa arkay oday waayeel ah oo kutubayo isla markaana garaacayo albaabada guryaha asaga oo tuugsanayo kadibna Cumar ayaa waydiiyay ahlu kitaabkee tahay(Muslin,Kirishtan iyo Yahuudi) deetana wuxuu odaygii waayeelkaa haa ku jawaabay waxaan haystaa diinta yahuuda ka dibna saxabigii Cumar Bin al khidaab ayaa ku yiri maxaa kugu kalifay xaalkan?Odaygii ayaa ku jawaabay: Daqnimo Dan iyo lacagta jizyada la iiga qaado Cumar ayaa gacanta ka qabtay odaygii yahudiga ahaa waxa uuna geeyay gurigiisa waxa uuna soo siiyay markaa wixii yaalay gurigiisa ka dibna waxa uu udiray qasnadii lacagta muslimiinta ama baytul maalkii muslimiinta wuxuuna ku yiri cumar: eeg Odaygan iyo kuwa la midka ah illaahaa ku dhaartee uma cadaalad suubin hadii dhalinyaro nimadiisiina ka qaadnay jizyo odaynimadiisiina aan badnay tuugsi wuxuuna uqoray lacag laga siiyo bankigii islaamka.
Sidaa ayuu islaamku ula dhaqmi jiray dadka aan ku diinta ahayn islaamku waa diin ilaalisa bani aadanimada
Waxaan waydiinayaa kuwa islaamka neceb maxaa saldhig u ah nacaybkiina? Ma taariiqda hal dhinac kaliya ka aqrisateen?
Maxay galabsadeen 49 qof oo aan wax dhibaato ah idiin gaysan

W/Q: SayedAli Abdullahi Salad

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More