Waxan ku wareersanahay qaabkan uu gudanahay talo i siiya
Su’aasha:
Asc walal waxan ku wareersanahay qaabkan uu gudanahay waxa lay guday 2006 ma xasuusto qaabkay ahayd markan waydiyay mamadi ii guday waxay tiri sii Qurux badan ayan ku guday marka is eego waxa labada dhinac iga yaala wax sida faruryaha uu sameysan marka tabatana hilib ah ma tirtirna hoostayda eber laygama dhigin Alhamdulilah dareen cajibna waa leyahay maxay noqon karan faruuryahas iyo hilib dheer oo ila hoos tagaya waxanan ahay gabar oo wali ma guursan iga jaahil bixiya firconi maba ihi ogaw.
Jawaabta:
Waxaa laga yaabaa inaysan kaa jarin faruuraha yaryar iyo kuwa waaweyn, hilibka aad u jeeddo waa faruuraha yaryar oo dareenka la xiriira, wuxuu kaloo noqn karaa kintirka, marka waxaa la dhihi karaa waa gudniin suni ah, ee ma aha kan fircooniga ah, maxaayeelay gudniinka fircooniga waxaa la jarayaa faruuraha yar yar, fircooniga aadka u daranna waxaa la jarayaa faruuraha yaryar iyo kuwa waaweynba.
Guud ahaan gudniinka sunada ay dhahaan xadiis ayaa tilmaamay waana kan xadiiska: